25 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Amarkii Guddoomiye Muungaab oo ka dhaqan-galay Muqdisho + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa si rasmi ah uga dhaqan-galay amarkii ka dhanka ah lo’da ee dhawaan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaas oo ay si wayn u bogaadiyeen shacabka caasimada.

Ganacsatada suuqa wayn ee Bakaaraha oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddo dheer ay la tacaalayeen dhibaatada lo’da lagu soo daynayo gudaha suuqa, balse ay hadda ka nasteen, waxayna u mahadceliyeen Maamulka Gobolka.

Sidoo kale, ganacsatada ayaa sheegay tan iyo markii uu soo baxay amarka Guddoomiye Muungaab in suuqa yu noqday mid nadiif ah, kadib la xakameeyay lo’dii dhibaatada ku haysay ganacsigooda, gaar ahaan qudaarta iyo badeecadaha kale.

“Guddoomiye Muungaab iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka shaqada ay noo qabteen aad ayaan ugu riyaaqsanahay annaga hadda nahay ganacsatada Bakaaro ee dhibanaa, lo’da dhib badan ayay nagu haysay haddana waa ka raysanay,” ayuu yiri wiil kamid ah ganacsatada suuqa wayn ee Bakaaraha.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxaan rajeynayaa Muungaab sida uu Lo’da u qabtay inuu Ariga xittaa sii xaraasho, waana ku mahadsan yihiin waxqabadka muuqda ee uu la yimid”.

Dhankooda qaaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Bakaaraha ayaa iyaguna xusay in isku socodka suuqa iyo waddooyinka ay soo hagaageen, maadaama ay meesha ka baxday lo’dii caqabadda ku ahayd suuqa.

“Shacabka Bakaaro waa ka nasteen lo’dii dadka dabada ka hirtineysay guddoomiyaha Gobolka Banaadir waan u mahadcelineynaa khayr Allaha siiyo,” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaaminayo Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u sheegay in ololahiisa ku aadan hormarinta caasimada iyo bilic soo celinteeda ay sii socon doonto, iyadoo la adkeynayo fulinta awaamiirta la xiriirta nadaafadda guud ee magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News