25 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Soomaaliya iyo Masar oo ku wada xiriiray khadka taleefanka ayaa ka wada-hadlay iskaashiga labada dal iyo arrimo xasaasi ah oo ku aadan gobolka.

Wasiir Cabdisalam Cali (Dhaay) iyo dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Dibadda ee dowladda Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty ayaa wada-hadalkooda kusoo qaaday xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo xaaladaha gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya ka siiso dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo amniga.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, isku duwidda iyo danaha ay labada dal wadaagaan.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Abdelatty ayaa asna sheegay taageerada aan leexleexadka lahayn ee Masar u hayso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo hay’adaha qaranka ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa mar kale ku celiyey diidmada Masar ee isku day kasta oo Israa’iil ay ku aqoonsanayso gobolada waqooyi ee Soomaaliya inuu yahay dal madax bannaan, taas oo ka hor imanaysa madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Masar ayaa leh iskaashi ballaaran, iyagoo hore u gaaray heshiis dhanka amniga ah, waxaana labada dal ay iskaashigooda sii xoojiyeen kadib heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo Addis Ababa ay ku dooneysay inay ku hesho marin ay ku gaarto badda Soomaaliya.

Qaahira ayaa sidoo kale haatan door weyn ka qaadaneysa tayeynta ciidamada Soomaaliya, iyadoo siinaysa hub iyo qalab ciidan.

- Advertisement -

Read more

Local News