Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dilay horjooge ay muddo dheer ku daba jirtay Dowladda Federaalka, isla markaana halis ku ahaa shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaanshigga oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahisay howlgalka oo ka dhaca deegaanka Hantiwadaag, kaas oo lagu dilay horjooge Cabdisalaan Macallin Abuukar, oo Khawaarijta u qaabilsanaa qorista maleeshiyaadka cusub iyo uruurinta baadda ay kooxdu xoogga kaga qaaddo shacabka Soomaaliyeed.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in horjoogaha oo ay ciidamadu si dhow ula socdeen dhaq-dhaqaaqiisa lagu bartilmaameedsaday howlgal gaar ah oo la fuliyay 10-kii Luulyo 2026, xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Hantiwadaag, halkaas oo lagu dilay.
Sidoo kale, howlgalka waxaa dhaawac culus lagu gaarsiiyay horjooge kale oo lagu magacaabo Macallin Daa’uud, kaas oo isna Khawaarijta u qaabilsan waxa ay ugu yeeraan dabagalka iyo amniga gudaha.
Wararka ayaa intaas ku daraya Xogta in Al-Shabaab maanta gudaha deegaanka Hantiwadaag ku aaseen horjooge Cabdisalaan Macallin Abuukar kadib markii ay khaarijiyeen Ciidamada Xoogga Dalka.
Wasaaradda Gaashaanshigga ayaa sidoo kale sheegtay in labada horjooge xilliga la beegsanayay ku howlanaa maleegidda falal argagixisanimo iyo qorsheyaal lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo ay wasaaraddu sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada gaarka ah ee lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha Khawaarijta Al-Shabaab meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.
Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay weerarrada ka dhanka ah argagixisada, waxaana sidoo kale socda diyaar garow ku aaddan dagaal cusub oo uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

