Boosaaso (Caasimada Online) — Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ayaa gebi ahaanba xiray waddada isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, kadib markii ay ka cawdeen mushaar la’aan muddo bilooyin ah.
Boosaaso waa xarunta ugu weyn ee ganacsiga Puntland, waxaana ku taalla dekad ay ku tiirsan yihiin deegaannada Puntland iyo qaar ka mid ah gobollada dhexe ee Soomaaliya. Sidaas darteed, tallaabada ay ciidamada Daraawiishtu ku xireen waddada ayaa saameyn weyn ku yeelan karta isu-socodka dadka, badeecadaha iyo ganacsiga ka yimaada dekadda Boosaaso.
Saraakiil u hadlay ciidamada ayaa sheegay inay dhowr jeer xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbadeen in la siiyo mushaaraadkooda iyo xuquuqo kale oo ka maqan, balse aysan wax jawaab ah ka helin. Waxay sheegeen in arrintaas ay ku qasabtay inay waddada xiraan si ay cabashadooda u muujiyaan.
Dhinaca kale, waxaa in ka badan toddobaad hakad ku jira howlihii dekadda Boosaaso, kadib markii maamulka Puntland uu soo rogay khidmado iyo lacago canshuureed oo dheeraad ah.
Kulan dhex maray xubno ka tirsan maamulka Madaxweyne Saciid Deni iyo ganacsatada Boosaaso, kaas oo looga hadlay xirnaanshaha dekadda iyo khidmadaha cusub ee laga cabanayo, ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan iyo is-afgaranwaa.
Mas’uuliyiinta maamulka ayaa isku dayay inay ganacsatada Boosaaso iyo kuwa badeecadaha kala soo dega dekadda ku qanciyaan khidmadaha cusub, balse ganacsatadu way ka biyo diideen. Waxay sheegeen in lacagaha lagu kordhiyay ay ku yihiin culeys dhaqaale oo weyn oo aysan qaadi karin.
Xirnaanshaha dekadda iyo hakadka ku yimid ganacsiga Boosaaso ayaa saameyn ku yeeshay shacabka ku nool deegaannada Puntland, iyadoo qiimaha qaar ka mid ah badeecadaha daruuriga ah uu kor u kacay.
Maamulka Madaxweyne Saciid Deni ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeysyo dhaqaale, xilli uu sii xumaanayay xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya. Xaaladdan ayaa lagu xiriiriyay kordhinta canshuuraha iyo khidmadaha laga qaado ganacsatada, iyo sidoo kale dib-u-dhaca ku yimaada bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha qaarkood.
Guud ahaan deegaannada Puntland ayaa xilligan laga dareemayaa dhaqaale-xumo iyo shaqo la’aan baahsan. Xaaladdaas ayaa sababtay in qaar ka mid ah dhallinyarada ay tahriibaan, halka kuwo kalena ay shaqooyin u raadsadaan magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale oo dalka ka tirsan.

