Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay rag watay dareeska Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya, kuwaas oo la arkay iyaga oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka.
Bayaan kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu bogaadiyay tallaabada deg-degga ah ee ay qaaday dowladda Soomaaliya oo durbaba lagu soo xiray eedeysanayaal loo haysto falkaasi.
“Shakhsiyaadka falalkaas ku lugta leh ee isku dayaya inay dhaawacaan xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka waxay dhibaato u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed, waana in lala xisaabtamaa,” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Mareykanka uu dhaqaale badan ku bixiyay dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan sidii Ciidamada Xoogga Dalka usoo kaban lahaayeen.
Hadalka kasoo yeeray Mareykanka ayaa kusoo aadaya, iyada oo maanta Dowladda Federaalka ay soo bandhigtay afar eedeysane oo loo haysto inay ku xadgudbeen calanka Mareykanka, iyaga oo xiran dareeska Ciidamada Xoogga.
Raggaas ayaa muuqaal ku baahiyay baraha bulshada, iyaga oo ku istaagayo calanka Mareykanka, taas oo ay ka dhalatay falcelin aan caadi aheyn.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay gacanta ku jiraan, isla markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, waxayna kala yihiin;-
1-Cabdikhadar Mahad Cumar oo 22 sano jir ah, 2-Maxamed Raage Xuseen oo 16 sano jir ah, 3-Muudey Faysal Muudey oo 17 sano jir ah iyo 4-Maxamed Amiin Qaasim Muuse oo 15 sano jir ah.
“Dhammaan shakhsiyaadkii ku lugta lahaa falkii lagu xadgudbay dareyska Ciidanka Qaranka iyo calanka Mareykanka ayaa gacanta lagu soo dhigay. Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ka digaysaa in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lagu dhaawacayo sharafta iyo sumcadda Ciidanka Qaranka,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa shaacisay in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lagu dhaawacayo sharafta iyo sumcadda Ciidamada, isla markaana lala xisaabtami doono cid kasta oo sameysa xadgudub noocaan oo kale ah.

