25.6 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Senator Lindsay Graham: Taageerihii xasuuqa Gaza iyo saaxibkii Israel oo geeriyooday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Senator-ka Mareykanka Lindsey Graham, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Washington sida weyn ugu ololeeya Israel, isla markaana muddo dheer ku baaqayay in awood militari loo adeegsado Iran, ayaa geeriyooday kaddib xanuun kooban oo kedis ah, sida uu xafiiskiisu sheegay Axaddii.

Graham, oo 71 jir ahaa, ayaa geeriyooday habeenkii Sabtida, 11-kii July, wax yar kaddib markii uu kasoo laabtay Ukraine, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Volodymyr Zelensky. Waxay ahayd booqashadiisii tobnaad ee uu ku tago Ukraine tan iyo markii Ruushku qaaday duullaankiisa ballaaran sannadkii 2022.

Xafiiskiisa ma uusan shaacin nooca xanuunka sababay geeridiisa.

“Qoyska Senator Graham waxay ka mahadcelinayaan ducooyinka, waxayna codsanayaan in loo tixgeliyo gaar ahaanshahooda xilligan aadka u adag,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Graham ku tilmaamay qof “la mid ah xubin qoyska ka tirsan”, isaga oo sheegay in senator-ku uu telefoon kula hadlay markii uu kasoo laabtay Ukraine.

“Wuxuu u muuqday in yar oo daallan, laakiin xaaladdiisu waxay u muuqatay mid wanaagsan,” ayuu Trump u sheegay barnaamijka Meet the Press ee NBC.

Taageerid Israel oo aan shuruud lahayn 

Graham wuxuu Congress-ka Mareykanka ka tirsanaa in ka badan 30 sano, balse sanadihii ugu dambeeyay waxaa sumcaddiisa si gaar ah u qeexay taageerada aan shuruudda lahayn ee uu siin jiray Israel iyo hawlgalladeeda militari ee Gaza iyo Iran.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Graham ku tilmaamay “mid ka mid ah saaxiibbadii ugu waaweynaa ee Israel”, hadalkaas oo muujinaya xiriirka dhow ee ka dhexeeyay senator-ka iyo dowladda Israel.

Kaddib weerarkii Xamaas hoggaamineysay ee 7-dii October 2023, Graham wuxuu si joogto ah u difaacay dagaalka Israel ka wadday Gaza, xilli ay kordhayeen dhimashada rayidka, barakaca iyo burburka baaxadda leh ee dhulka Falastiiniyiinta.

Markii la weydiiyay dhammaadkii 2023 in ay jirto tiro dhimasho rayid ah oo ku qasbi karta Mareykanka inuu dib uga fiirsado taageeradiisa Israel, Graham wuxuu ku jawaabay in aysan jirin “xad”, inkastoo uu sheegay in Israel ay ku dadaasho yareynta khasaaraha rayidka.

Wuxuu sidoo kale si adag uga hor yimid go’aankii maamulkii Madaxweyne Joe Biden uu muddo kooban ku hakiyay qaar ka mid ah hubka culus, sababo la xiriiray walaaca laga qabay weerar ballaaran oo Israel ku qaaddo magaalada Rafah.

Graham wuxuu ku dooday in Israel la siiyo bambooyinka ay dalbaneyso, isaga oo dagaalka Gaza barbar dhigay duqeymihii nukliyeerka ahaa ee Mareykanku ku burburiyay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, islamarkaana sidaas oo kale la yeelo Gaza.

“Markii dalkeenna uu wajahay burbur kaddib Pearl Harbor, waxaan go’aansannay inaan dagaalka kusoo afjarno duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki,” ayuu yiri wareysi uu bixiyay bishii May 2024.

Wuxuu intaas ku daray in Israel loo oggolaado inay sameyso wax kasta oo ay u aragto inay lagama maarmaan u yihiin badbaadadeeda, isaga oo ku baaqay in Washington ay siiso “bambooyinka ay u baahan tahay”. Hadalladaas waxay dhaliyeen cambaareyn xooggan, waxaana dadka dhaliilay ay ku eedeeyeen inuu caadiyeynayo burburinta baaxadda leh ee rayidka.

Graham wuxuu sidoo kale saadaaliyay in Israel ay Gaza xoog kula wareegi doonto, isaga oo ololahaas la barbar dhigay burburintii iyo qabsashadii Jarmalka iyo Japan ee xulafadu sameeyeen Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Waxa uu hormuud ka ahaa dadaalladii lagu ciqaabayay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, markii dacwad-oogaha maxkamaddu uu tallaabooyin ka qaaday Netanyahu iyo saraakiil kale oo Israel ah oo loo haystay dambiyo dagaal. Graham wuxuu sidoo kale ka hor yimid hindisayaal Senate-ka la horgeeyay oo lagu doonayay in lagu hakiyo hubka Mareykanku u diro Israel.

Bishii September 2025, guddiga madaxa-bannaan ee baaritaanka Qaramada Midoobay wuxuu ku soo gabagabeeyay in Israel ay xasuuq ka geysatay Gaza. Amnesty International ayaa horey u gaartay gunaanad la mid ah.

Israel waxay eedeymahaas ku tilmaantay kuwo been ah oo siyaasadeysan, halka dacwadda xasuuqa ee Koonfur Afrika ka gudbisay Israel ay weli hortaallo Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, oo aan weli gaarin xukun kama dambeys ah.

Inkastoo eedeymahaas iyo khasaaraha rayidka ay sii kordhayeen, Graham wuxuu sii ahaa mid ka mid ah difaacayaasha ugu codka dheer ee Israel ku lahayd Washington.

U ololeeyihii ugu weynaa dagaalka Iran

Senator-ka ayaa sidoo kale caan ku ahaa mowqifkiisa adag ee Iran. Muddo sanado ah wuxuu ku doodayay in wada-hadalka iyo cunaqabateynta dhaqaale aysan ku filneyn joojinta barnaamijka nukliyeerka Tehran.

Wuxuu taageeray weerarradii Israel iyo Mareykanka ku qaadeen xarumaha nukliyeerka iyo militariga Iran, wuxuuna Congress-ka ka noqday mid ka mid ah dadka ugu xooggan ee taageera fidinta dagaalka intii lagu jiray muddo-xileedkii labaad ee Trump.

Graham wuxuu ku tilmaamay qalalaasaha siyaasadeed ee Iran “xilligii Darbiga Berlin”, isaga oo ku baaqay in Mareykanku gacan ka geysto ridista nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Wuxuu mar dambe soo jeediyay in hub la siiyo shacabka Iran, qorshahaas oo uu ku tilmaamay “xalka Qodobka Labaad”, isaga oo ula jeeday qodobka dastuurka Mareykanka ee ilaalinaya xaqa hub-qaadashada.

Mowqifyadaas waxay Graham nacayb xooggan uga abuureen Iran iyo qaybo badan oo Bariga Dhexe ah, laakiin waxay sii xoojiyeen xiriirkii uu la lahaa Netanyahu iyo madaxda kale ee Israel oo u arkayay saaxiibkooda ugu kalsoonida badan ee Washington.

Dhaliile Trump oo noqday saaxiib dhow

Graham wuxuu Senate-ka galay sannadkii 2003, kaddib siddeed sano oo uu xubin ka ahaa Aqalka Wakiillada. Wuxuu ahaa qareen hore oo ka tirsanaa ciidamada cirka Mareykanka, waxaana siyaasaddiisa dibadda saldhig u ahaa taageerada faragelinta militari iyo xulafada Mareykanka, gaar ahaan Israel, NATO iyo Ukraine.

Intii lagu jiray tartankii madaxtinimada Jamhuuriga ee 2016, Graham wuxuu si adag u dhaliilay Trump, isaga oo ku tilmaamay inuusan u qalmin xilka madaxweynaha, kuna cambaareeyay weerarradii uu ku qaaday saaxiibkiis Senator John McCain.

Hase yeeshee, markii Trump uu ku guuleystay madaxtinimada, Graham wuxuu isu beddelay mid ka mid ah difaacayaashiisa ugu daacadsan. Wuxuu garab istaagay Trump labadii dacwadood ee xil-ka-qaadista, wuxuuna dib ugu laabtay taageeradiisa kaddib markii uu muddo kooban uga fogaaday weerarkii 6-dii January 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka.

Muddadii labaad ee Trump, Graham wuxuu noqday la-taliye joogto ah oo arrimaha Israel, Iran, Ruushka iyo Ukraine ah, isaga oo kamid ahaa siyaasiyiinta Mareykanka ee sida ugu xooggan ugu ololeeya adeegsiga awoodda militari ee dibadda.

Geeridiisu waxay bannaaneeysay kursiga South Carolina xilli uu isu diyaarinayay inuu markale u tartamo doorashada November, waxayna Washington ka saartay mid ka mid ah siyaasiyiintii ugu saameynta badnaa ee taageeri jiray dagaallada iyo faragelinta militari ee Mareykanka.

- Advertisement -

Read more

Local News