25.3 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

DF oo war kasoo saartay duqeyn lagu laayay Shabaab badan kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, taas oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana lagu beesaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo khasaare lagu gaarsiiyay Khawaarijta, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan illaa 26 ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah iyo booyad shidaal u waday kooxda.

“Duqeymaha ayaa lagu dilay 26 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaari Cabdibile ah iyo booyad shidaal oo ay Khawaarijtu u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda iyo fulinta falalka argagixisanimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa si weyn ugu mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada, maadaama ay ciidamada dowladda ka gacan siiyeen weerarkaasi.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baacsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta weerarrada argagixisanimo.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Maalmihii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay weerarrada ka dhanka ah argagixisada, waxaana sidoo kale socda diyaar garow ku aaddan dagaal cusub oo uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Read more

Local News