Muqdisho (Caasimada Online) – Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hoos loo dhigay, kadib amar kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la xiriira geerida ku timid Amiirkii hore ee dalka Qatar Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani oo shalay geeriyooday.
Madaxweynaha ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in muddo saddex casho ah ay hoos u dhigaan calanka, si garab istaag loogu muujiyo dowladda iyo shacabka Qatar oo iyaguna ku dhawaaqay maalmo baroor-diiq qaran ah.
“Iyada oo la fulinayo Amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa lafarayaa dhamaan Hay’adaha Dawladda in ay hoos loo dhigaan Calanka Jamhuuriyadda, taas oo ah Dareen Walaalnimo oo Soomaaliya ay ku garab istaagayso shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Dalka Qatar Geerida ku timid Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka Kuwait, Baxrayn, Imaaraadka Carabta iyo Hindiya oo iyaguna calankooda hoos u dhigay, isla markaana maalmo baroordiiq rasmi ah ku dhawaaqay si ay murugada ula qaybsadaan dawladda Qata , kadib geerida Amiirkii hore ee dalkaas Sheekh Hamad b=bin Khalifa Al Thani.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay u ambabaxaan dalka Qatar, halkaas oo ay uga qayb-galayaan aaska Amiirkii hore ee dakaasi oo ay isugu tegi doonaan madax kala duwan.
Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay dowladda Qatar uga tacsiyeeyay geerida ku timid Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thaani, isaga oo ku amaanay kaalintii uu ka qaatay horumarka Qatar iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka caalamka, oo ay ka mid thay Soomaaliya.
Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani ayaa Qatar hoggaaminayay intii u dhexeysay 1995 illaa 2013. Intii uu talada hayay, wuxuu hormuud ka noqday isbeddello waaweyn oo dalkaas ka hirgalay, kuwaas oo sare u qaaday doorka Qatar ee gobolka iyo caalamkaba. Sannadkii 2013 ayuu Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani si iskiis ah xilka ugu wareejiyay wiilkiisa, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani oo weli haya xukunka.
Si kastaba, Dowladda Qatar ayaa haatan wada qaban-qaabada aaska rasmiga ah ee loo sameynayo amiirkii hore ee dalkaasi, iyada oo sidoo kal ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah oo ka bilaabanaysa maanta, iyadoo calanka dalkana hoos loo dhigay.

