25.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Sacuudiga oo kordhiyay taageerada milatari ee Soomaaliya – Maxaa socda?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si muuqata u kordhisay taageeradeeda dhinaca milatariga ee Soomaaliya, iyadoo dhaqan-gelinaysa heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo ay labada dal kala saxiixdeen bishii Febraayo ee sanadkan, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada Soomaaliya iyo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Muqdisho iyo Riyaad.

Heshiiska labada dhinac ayaa diiradda saaraya horumarinta wada-shaqeynta difaaca, tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin faah-faahinta dhammaan qodobada heshiiska, haddana waxaa muuqata in fulintiisu ay si tartiib-tartiib ah u bilaabatay.

Dhawaan, wafdi militari oo ka socday dowladda Sacuudi Carabiya ayaa booqday laba xero oo ku yaalla magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo lagu tababarayo ciidamo hoos taga dowladda federaalka Soomaaliya.

Booqashada ayaa qeyb ka aheyd barnaamij ay maalgelinayso dowladda Sacuudiga, kaas oo lagu tababarayo cutubyo cusub oo la qorsheynayo inay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in barnaamijku uu gaarsiisan yahay tababarka 5,107 askari, kuwaas oo ku kala sugan labada xero ee uu wafdiga Sacuudigu booqday.

Askartaas waxaa la sheegay inay ku jiraan ku dhowaad 2,000 oo dhalinyaro ah oo laga soo qoray deegaannada Puntland, halka ciidamada kale laga soo ururiyey gobollo kala duwan oo dalka ah.

Tababarka ayaa la qorsheeyey inuu socdo muddo sagaal bilood ah, si ciidamada loo siiyo xirfadaha aasaasiga ah ee militariga, nidaamka hawlgallada iyo tababarrada la xiriira dagaalka.

Sida ay wararku tilmaamayaan, tababarka ciidamada waxaa bixinaya khubaro iyo tababarayaal ajaanib ah oo ka kala yimid dalalka Romania, Ukraine, Koonfur Afrika iyo Colombia. Barnaamijkan ayaa la sheegay in uu si buuxda u maalgelinayo Sacuudi Carabiya, taas oo muujinaysa doorka sii kordhaya ee boqortooyadu ku leedahay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Taageeradan cusub ayaa Sacuudiga ka dhigaysa inuu si toos ah u ballaarinayo saameyntiisa amni iyo mid milatari ee Soomaaliya. Sanadihii la soo dhaafay, dalalka Khaliijka ayaa si isa soo taraysa u maalgelinayay tababarrada ciidamada iyo mashaariicda amniga, iyagoo doonaya inay xoojiyaan xiriirkooda istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ka mid ahaa waddamada ugu firfircoon dhinaca amniga Soomaaliya, gaar ahaan Puntland. Tan iyo horraantii sanadkii 2010-kii, Abu Dhabi waxay taageero joogto ah siinaysay Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF), iyadoo u fidisay maalgelin, tababarro iyo qalab ciidan oo casri ah.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada Imaaraadka ay saldhig ku leeyihiin magaalada Boosaaso, halkaas oo ay taageero dhinaca cirka ah ka geysteen hawl-galladii lagu beegsaday kooxda Daacish ee ka socday buuraha Calmiskaad. Taageeradaas ayaa lagu sheegay inay door muhiim ah ka qaadatay guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiray kooxda.

Si kastaba, xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa galay marxalad adag, kadib markii dowladda Soomaaliya ay bishii Janaayo ee sanadkan joojisay heshiisyadii dekedaha iyo iskaashigii amniga ee ay la lahayd Abu Dhabi. Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Imaaraadka inuu qaaday tallaabooyin wiiqaya madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Kororka taageerada milatari ee Sacuudi Carabiya ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo awood u leh inuu la wareego mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo taageero ka helaysa saaxiibada caalamiga ah.

Haddii barnaamijyada tababarka iyo iskaashiga cusub ay si guul leh u hirgalaan, waxay door weyn ka qaadan karaan xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News