26.3 C
Mogadishu
Saturday, July 18, 2026

Abshiroow: Imaaraadka waxa ay taliye ku-xigeenka booliska usoo wakiisheen burburinta…

Bookmark
Bookmarked

Share

Marka (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshiroow, ayaa ku eedeeyay dowlado shisheeye inay taageerayaan dhaqdhaqaaqyo uu sheegay in lagu kala qeybinayo bulshada ku dhaqan gobolka Shabeellaha Hoose.

Abshiroow ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay dowladda Imaaraadka Carabta, isaga oo ku eedeeyay inay dhaqaale iyo taageero kale ku bixineyso abaabullo ka socda magaalada Marka iyo deegaanno kale oo gobolka ka tirsan.

Wuxuu sidoo kale eedeymo culus u jeediyay taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdalla Cabdalla, oo uu ku tilmaamay qof loo soo wakiishay abaabulka kooxo hubeysan iyo dhismaha maamul ka madax-bannaan maamulka Koonfur Galbeed.

Cabdalla Cabdalla ayaa taliye ku-xigeenka ciidanka booliska iyo madaxa laanta gaarka ah ee booliska loo magacaabay sannadkii 2024, kaddib markii uu horay xilal sare uga soo qabtay hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya.

“Kooxaha fidnada hurinaya, Xamar waxaa u jooga Jeneraal Cabdalla Cabdalla, oo ah taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliyeed. Isaga ayaa markii horeba fidnada bilaabay, isaga ayaana huriyay, dowladda federaalkana waan la wadaagnay,” ayuu yiri Abshiroow.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in Jeneraal Cabdalla uu fariimo iyo taageero ka haysto dowlado shisheeye oo uu ku eedeeyay inay doonayaan inay Soomaaliya ka abuuraan ciidamo ama kooxo hubeysan oo la mid ah kuwa dalal kale qalalaasaha geliyay.

“Cabdalla Cabdalla wuxuu fariimo ka haystaa dowlado shisheeye oo dalkeenna qasaya. Suudaan wixii ka dhacay waan ognahay, in ciidan dowladda lagu burburiyo lagu dhex abuuray. Maanta wuxuu doonayaa in Shabeellaha Hoose laga abuuro ciidan la mid ah kii Suudaan burburiyay,” ayuu yiri.

Inkasta oo uu Imaaraadka ku xusay qayb ka mid ah hadalkiisa, haddana wuxuu sheegay inuusan dooneyn inuu si faahfaahsan u magacaabo dhammaan dowladaha uu ku tuhunsan yahay arrintaas, isaga oo yiri: “Ma rabo magacyadooda inaan sheego; Soomaalidu waa fahmi kartaa.”

Abshiroow ayaa ku andacooday in magaalada Marka lagu abaabulayo ciidamo badan oo lagu maalgelinayo dhaqaale dibadda ka yimid, kuwaas oo sida uu sheegay loogu talagalay inay qalqal geliyaan amniga iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Wuxuu si gaar ah u sheegay in dhaqdhaqaaqyadaas lagu carqaladeynayo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, oo ay ku jiraan howlaha sahminta iyo qodista shidaalka ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa bishii Febraayo 2026 Soomaaliya usoo diray markab qodista biyaha qotada dheer ah, halka bishii Abriil la bilaabay howlgalkii ugu horreeyay ee qodis shidaal oo Turkigu ka fuliyo meel ka baxsan biyihiisa. Mashruuca ayaa ka socda badda, mana jiro caddeyn madax-bannaan oo muujineysa inuu si toos ah ugu xiran yahay xiisadda ka taagan Marka.

Abshiroow ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu si weyn ugu xiran yahay xaaladda Shabeellaha Hoose, maadaama gobolkaasi uu xuduud la leeyahay caasimadda, isla markaana waddooyinka Muqdisho kasoo gala dhinaca koonfureed ay maraan.

Wuxuu ka digay in qalalaase ka dhasha Shabeellaha Hoose uu saameyn amni ku yeelan karo Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka, isla markaana uu fursad siin karo kooxaha hubeysan iyo cid kasta oo dooneysa inay carqaladeyso dowladda.

Eedeynta Koonfur Bari

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sidoo kale Jeneraal Cabdalla ku eedeeyay inuu Cumareey Cali Axmed u wakiishay dhismaha maamulka lagu magacaabo “Koonfur Bari”, kaas oo bishii May looga dhawaaqay magaalada Marka.

Warar lagu baahiyay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in Cumareey Cali Axmed loo doortay hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulkaas, inkasta oo uusan aqoonsi ka haysan dowladda federaalka ama maamulka Koonfur Galbeed.

Abshiroow ayaa magacaabay dhowr qof oo uu sheegay inay hormuud ka yihiin abaabulka maamulkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin Cumareey Cali Axmed, Xuseen Gacal, Maxamed Xasan Maxamed oo loo yaqaan “M. Dheere” iyo Cabdullaahi Waceys.

Wuxuu wacad ku maray in isaga iyo siyaasiyiin kale ay tagayaan magaalada Marka, isla markaana sharciga la horkeeni doono dadka uu ku eedeeyay inay ka shaqeynayaan burburinta nidaamka dowladnimo.

“Marka waan tageynaa, kooxaha loo soo wakiishay duminta nidaamka dowladnimadana gacanta ayaan kusoo dhigeynaa, sharcigana waa la horgeyn doonaa,” ayuu yiri.

Abshiroow ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay inay tallaabo ka qaadaan taliye ku-xigeenka booliska iyo cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay waxa uu ku tilmaamay “mashruuc shisheeye”.

Xiisadda beelaha

Hadalka Abshiroow ayaa kusoo aadaya xilli xiisad beeleed laga dareemayo qaybo ka mid ah Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaannada Janaale, Baqal, Xawaaloow iyo Lambar 60.

Wararka gobolka ka imaanaya ayaa sheegaya in xiisaddu ay u dhexeyso maleeshiyaad kasoo kala jeeda beelaha Biyomaal iyo qaybo ka mid ah beelaha Hiraab, gaar ahaan Abgaal iyo Habar Gidir.

Khilaafka beelaha Biyomaal iyo Habar Gidir ee gobolka Shabeellaha Hoose ma aha mid cusub, waxaana sannadihii lasoo dhaafay ka dhashay dagaallo, barakac iyo khasaare naf iyo maalba leh. Dadaallo dib-u-heshiisiin ah ayaa horay uga dhacay magaalada Marka, balse murannada la xiriira dhulka, beeraha iyo awood-qeybsiga ayaa marar badan dib u soo laabtay.

Ilaa hadda dowladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed, dowladda Imaaraadka iyo Jeneraal Cabdalla Cabdalla si rasmi ah ugama jawaabin eedeymaha uu jeediyay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News