24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 18, 2026

Guddoomiyaha degmada Dayniile oo soo rogay amar culus

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Dayniile, Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, ayaa amar ku bixiyay in la xoojiyo howlgallada lagu sugayo amniga degmada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ka hortagga falalka amni-darrada ah ee habeenkii saameeya shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ilaalinta nafta, hantida iyo badqabka dadka deegaanka ay tahay waajibka koowaad ee maamulka degmada iyo hay’adaha amniga ee ka howlgala Dayniile.

Wuxuu laamaha amniga faray inay dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha burcadda ah, isla markaana si degdeg ah uga jawaabaan cabashooyinka iyo xogaha uga imaanaya bulshada.

Amarka ayaa si gaar ah u beegsanaya kooxaha ku lugta leh dhaca taleefannada gacanta, lacagaha iyo hantida kale ee qiimaha leh, kuwaas oo inta badan adeegsada mindiyo iyo hub fudud.

“Amniga shacabka waa mas’uuliyad wada saaran maamulka iyo hay’adaha amniga. Waa in si mideysan looga hortagaa cid kasta oo carqalad ku ah nabadda, kala dambeynta iyo xasilloonida degmada,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Cabdiraxmaan Macallin Xuseen ayaa sidoo kale digniin u diray ciidamada amniga ee ka howlgala degmada, isaga oo ka mamnuucay inay habeenkii ridaan rasaas aan loo baahnayn.

Wuxuu sheegay in rasaasta aan sababta lahayn ay cabsi iyo welwel ku abuurto shacabka, isla markaana ay dhaawacayso kalsoonida ay bulshadu ku qabto ciidamada iyo hay’adaha amniga.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in hubka la adeegsan karo oo keliya marka ay jirto xaalad amni oo dhab ah, iyadoo la ilaalinayo badqabka dadka rayidka ah iyo xasilloonida xaafadaha degmada.

Hadalkiisa ayaa imanaya xilli dadka ku nool qaybo ka mid ah Muqdisho ay marar badan ka cabanayaan kooxo burcad ah oo habeenkii dadka ka dhaca taleefannada, lacagaha iyo agabka kale, gaar ahaan waddooyinka iyo xaafadaha ay yartahay joogitaanka ciidamada amniga.

Maamulka Dayniile ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada, ayna la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta kooxaha burcadda ah, falalka amni-darrada iyo dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xogta shacabka ay muhiim u tahay ka hortagga dambiyada iyo in si sharci ah loola tacaalo dadka lagu tuhmo inay khatar ku yihiin amniga degmada.

Maamulka degmada Dayniile ayaa ugu dambeyn sheegay in iskaashiga bulshada, maamulka iyo hay’adaha amniga uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo nabadgelyo iyo xasillooni waarta.

- Advertisement -

Read more

Local News