25.3 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

DF oo Mareykanka u gacan gelisay qofkii labaad oo Soomaali ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Nin muddo ku dhow shan sano loogu raad-joogay dil ka dhacay magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa laga soo qabtay Soomaaliya, kadib hawlgal ay iska kaashadeen hay’ado amni oo Mareykan iyo Soomaali ah.

Hay’adda U.S. Marshals Service ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in Hanut Abdulle, oo 23 jir ah, laga soo gacan-geliyay magaalada Muqdisho, kadibna loo celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad dil ah.

Abdulle ayaa lagu wareejiyay booliska magaalada Columbus, waxaana loo haystaa inuu ku lug lahaa toogashadii lagu dilay Bryce Persang oo 24 jir ahaa, sanadkii 2021-kii.

Waxaa lagu soo oogay hal dacwad oo dil ah, iyadoo hay’adaha Mareykanku sheegeen inuu dalka ka baxsaday wax yar kadib dhacdada.

Toogashadii Columbus

Dhacdada ayaa dhacday 16-kii September 2021, markaas oo booliska loogu yeeray xaafad ku taalla Floral Circle South, kadib markii la soo sheegay rasaas.

Markii ay goobta gaareen, askartu waxay Persang ka dhex heleen kursiga rakaabka ee gaari nooca Honda Fit ah, isaga oo qaba dhaawac rasaas ah.

Waxaa loola cararay isbitaal ku yaalla deegaanka, balse wuxuu markii dambe u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Aabbaha dhalay Persang, Steve Persang, oo bishii November 2021 ka hadlay geerida wiilkiisa, ayaa sheegay inuu mar walba ka fikiro qofkii uu noqon lahaa haddii uusan dhiman.

“Waxaan is-weydiiyaa nooca aabbe ee uu noqon lahaa ama nooca nin ee uu isu beddeli lahaa,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale farriin u diray dadkii ka dambeeyay dilka wiilkiisa.

“Runtii waxaan rajeynayaa in la idin qabto, isla markaana aad bixisaan wixii aad sameyseen, si u dhiganta wixii lagu sameeyay wiilkeyga,” ayuu yiri Steve Persang.

Laba tuhmaneyaal

Booliska Columbus ayaa bishii June 2022 Abdulle iyo Tahir Said, oo hadda 24 jir ah, u aqoonsaday tuhmaneyaasha toogashada.

Kooxda U.S. Marshals Southern Ohio Fugitive Apprehension Strike Team, oo loo soo gaabiyo SOFAST, ayaa baaritaanka la wareegtay kadib markii ay la xiriirtay hooyada dhibbanaha.

Baarayaasha ayaa markii dambe ogaaday in Abdulle uu Mareykanka ka baxsaday wax yar kadib dilka, taas oo keentay raad-raac caalami ah oo lagu doonayay in lagu helo.

Hooyada Persang, Katherine Persang, ayaa Khamiistii sheegtay inay marar badan u muuqatay in helitaanka caddaaladdu uu ahaa riyo aad u fog.

“Waxaa jiray waqtiyo badan oo aan dareemayay in inaan caddaalad u helo wiilkeyga ay ahayd riyo aan la gaari karin,” ayay tiri.

Saraakiisha ayaa sheegay in Abdulle lagu soo qabtay iskaashi dhex maray Waaxda Caddaaladda Mareykanka, FBI-da iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Michael D. Black, oo ah U.S. Marshal-ka degmada koonfureed ee Ohio, ayaa sheegay in iskaashiga hay’adahaasi uu muhiim u ahaa helitaanka iyo soo celinta tuhmanaha.

“Iskaashigan wuxuu muhiim u ahaa in Soomaaliya laga helo oo lagu soo qabto ninkan baxsadka ahaa, kadibna dib loogu soo celiyo si uu caddaaladda u wajaho,” ayuu yiri.

Abdulle hadda wuxuu sugayaa inuu maxkamad horyimaado, iyadoo dacwadda loo haysto ay la xiriirto dilka Persang.

Tahir Said, oo ah tuhmanaha labaad ee kiiska, ayaa weli baxsad ah. Saraakiisha Mareykanka ayaa rumeysan inuu isaguna ku sugan yahay Soomaaliya.

Dhiibista Soomaali kale 

Wareejinta Hanut ayaa imaneysa xill ay dowladda Soomaaliya sidoo kale Mareykanka ku wareejisay Cabdikariim Cabdullaahi Iidle, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu muhiimsanaa musuq-maasuqii weynaa ee Feeding Our Future, kadib toddobaadyo ay jireen caqabado sharci iyo cadaadisyo la xiriiray in loo gacan geliyo Washington.

Cabdikariim, oo 42 jir ah, ayaa Khamiistii la geeyay gobolka Minnesota, kadib markii Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ay sheegtay inuu si sharci ah isugu dhiibay Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ma aysan ku tilmaamin tallaabadan “dhiibis dambiile” ama extradition, mana aysan faahfaahin habka sharci ee lagu wareejiyay, maadaama Soomaaliya iyo Mareykanka aysan lahayn heshiis rasmi ah oo dambiilayaasha la isugu gudbiyo.

Saraakiil ka tirsan FBI-da iyo hay’adda dambi-baarista canshuuraha Mareykanka ee IRS ayaa Cabdikariim ka soo galbiyay Soomaaliya, kadib wada-shaqeyn dhex martay laamaha Mareykanka, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Cabdikariim, oo deggenaa magaalada Burnsville ee gobolka Minnesota, ayaa wajahaya 31 dacwadood oo ay ku jiraan shirqool lagu sameeyay khiyaano dhanka isgaarsiinta ah, laaluush la xiriira barnaamijyada dowladda iyo lacag-dhaqid.

Waxaa lagu wadaa inuu Jimcaha maanta ah markii ugu horreysay kasoo hor-muuqdo garsoore federaal ah oo ku sugan Minnesota.

Dacwadaha loo haysto weli waa eedeymo, waxaana sharciga Mareykanka uu u aqoonsan yahay qof aan dambi lahayn ilaa maxkamad ay ku caddeyso.

- Advertisement -

Read more

Local News