Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Danab, Jeneraal Jimcaale Jaamac Takar ayaa caawa dib ugu laabtay magaalada Garoowe, kadib heshiis hordhac ah oo lagu gaaray wada-hadallo la sheegay inay u dhaxeeyeen isaga iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in soo laabashada Jeneraal Jimcaale ay timid kadib dadaallo dhex-dhexaadin ah oo ay wadeen guddi ka soo jeeda gobolka Nugaal.
Guddigan ayaa muddooyinkii dambe waday kulamo iyo wada-tashiyo lagu doonayay in lagu soo afjaro ismari-waaga siyaasadeed iyo kan amni ee u dhexeeyay labada dhinac.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in wada-hadalladii u dambeeyay ay horseedeen is-afgarad hordhac ah, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin heshiis faahfaahsan oo ay labada dhinac kala saxiixdeen. Ilo-wareedyadu waxay tilmaamayaan in weli ay socdaan wada-xaajoodyo lagu dhameystirayo qodobada harsan.
Sida ay sheegayaan ilo ku dhow wada-hadallada, qodobada laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa in Jeneraal Jimcaale uu ka tanaasulo xiriirro iyo qorshayaal ciidan oo la sheegay inuu la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena ciidamadiisa loo xaqiijinayo xuquuqdooda iyo daryeelkooda gudaha Puntland.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Deni uu ka shaqeynayo in Jeneraal Jimcaale loo aqoonsado darajada ciidan ee ugu sarreysa ee uu mudan yahay. Dhinacyada ayaa la sheegay inay isku aragti ka noqdeen in sugidda amniga Puntland ay tahay masuuliyad wada saaran dhammaan shacabka iyo hay’adaha ammaanka.
Dhex-dhexaadinta khilaafkan ayaa waxaa hormuud ka ahaa guddi uu garwadeen ka yahay Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. Guddigan ayaa door muuqda ka qaatay isu soo dhoweeynta labada dhinac iyo abuuridda jawi lagu sii ambaqaadi karo wada-hadallada.
Inkastoo horumar laga sheegay wada-xaajoodyada, haddana wararka ayaa tilmaamaya in ay weli jiraan qodobo u baahan in labada dhinac ay isku fahmaan ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiis kama dambeys ah. Waxaa la filayaa in kulamo kale ay maalmaha soo socda ka dhacaan Garoowe si loo dhameystiro wada-hadallada.
Jeneraal Jimcaale Jaamac Takar oo dhawaan la sheegay in loo magacaabay Taliyaha Qeybta 54-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, inkastoo si rasmi ah loo shaacin magacaabistiisa. Arrintan ayaa qeyb ka ahayd qodobada si weyn looga hadal hayay intii uu socday khilaafka.
Jeneraal Jimcaale ayaa sidoo kale Garoowe ku leh ciidamo la sheegay inay mushaar ka qaataan Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo muddooyinkii dambe abuurtay dood siyaasadeed iyo mid amni. Si kastaba, dhinacyada ayaa muujinaya rajo laga qabo in wada-hadallada socda ay horseedaan heshiis waara oo soo afjara khilaafka, isla markaana xoojiya wada-shaqeynta dhinaca amniga.

