27.1 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Xasan Sheekh oo dhambaal u direy madaxweynaha Jabuuti iyo shacabkiisa kadib geerida…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Marxuum Xasan Cumar Maxamed.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda, shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo qoyska uu ka baxay Wasiirkii Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa xusay in marxuumku uu ahaa masuul qaran oo door muuqda ka soo qaatay horumarinta hay’adaha difaaca, adkeynta amniga iyo xoojinta doorka Jamhuuriyadda Jabuuti ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Marxuum Xasan Cumar Maxamed uu si dhow uga qeyb qaatay dadaallada lagu taageerayay Soomaaliya, isaga oo door muhiim ah ku lahaa iskaashiga amni ee labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Jabuuti xilligan murugada leh, isaga oo tilmaamay xiriirka qotoda dheer ee walaalnimo, iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab.

Xasan Cumar Maxamed ayaa shalay la xaqiijiyay geeridiisa. Wasiirka ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti soo hayay, tan iyo sanadkii 2019, waxaana mar kale loo magacaabay isla xilkaas markii la dhisay xukuumadda cusub ee Jabuuti sanadkan 2026.

Sidoo kale wuxuu door muuqda kasoo qaatay hoggaaminta iyo horumarinta ciidamada qalabka sida ee dalka Jabuuti.

- Advertisement -

Read more

Local News