25.4 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Cabdikariim Ciidle oo laga dejiyey Mareykanka kadib markii DF ay wareejisay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya kala wareegtay Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu muhiimsanaa musuq-maasuqii weynaa ee Feeding Our Future, kadib toddobaadyo ay jireen caqabado sharci iyo cadaadisyo la xiriiray in loo gacan geliyo Washington.

Cabdikariim, oo 42 jir ah, ayaa Khamiistii la geeyay gobolka Minnesota, kadib markii Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ay sheegtay inuu si sharci ah isugu dhiibay Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ma aysan ku tilmaamin tallaabadan “dhiibis dambiile” ama extradition, mana aysan faahfaahin habka sharci ee lagu wareejiyay, maadaama Soomaaliya iyo Mareykanka aysan lahayn heshiis rasmi ah oo dambiilayaasha la isugu gudbiyo.

Saraakiil ka tirsan FBI-da iyo hay’adda dambi-baarista canshuuraha Mareykanka ee IRS ayaa Cabdikariim ka soo galbiyay Soomaaliya, kadib wada-shaqeyn dhex martay laamaha Mareykanka, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Cabdikariim, oo deggenaa magaalada Burnsville ee gobolka Minnesota, ayaa wajahaya 31 dacwadood oo ay ku jiraan shirqool lagu sameeyay khiyaano dhanka isgaarsiinta ah, laaluush la xiriira barnaamijyada dowladda iyo lacag-dhaqid.

Waxaa lagu wadaa inuu Jimcaha maanta ah markii ugu horreysay kasoo hor-muuqdo garsoore federaal ah oo ku sugan Minnesota.

Dacwadaha loo haysto weli waa eedeymo, waxaana sharciga Mareykanka uu u aqoonsan yahay qof aan dambi lahayn ilaa maxkamad ay ku caddeyso.

“Cabdikariim wuxuu kaalinta labaad kaga jiray Aimee Bock qorshihii musuq-maasuqa Feeding Our Future,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha Mareykanka Daniel Rosen.

“Qabashadiisa iyo ku soo celintiisa Minnesota waxay muujinayaan halka ay gaari karto awoodda sharci-fulinta Mareykanka, iyo in qofku carari karo balse uusan dhuuman karin.”

Caqabad sharci oo adag

Ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa Cabdikariim ku qabtay Muqdisho 25-kii June, ku dhowaad afar sano kadib markii maxkamad federaal ah oo Mareykanka ku taalla ay soo saartay waaran lagu soo xirayo.

Hase yeeshee, qabashadiisa kadib ma aysan cadda sida loogu wareejin karo Mareykanka.

Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya wuxuu dhigaya in qof lagu eedeeyay ama lagu xukumay dambi loo gacan gelin karo dal kale oo keliya iyadoo lagu saleynayo sharci iyo heshiis caalami ah oo Soomaaliya qeyb ka tahay.

Soomaaliya iyo Mareykanka ma laha heshiis laba geesood ah oo ku saabsan isu-dhiibidda dambiilayaasha, taas oo dhalisay su’aalo la xiriiray in Muqdisho ay si rasmi ah ugu wareejin karto Cabdikariim maxkamadaha Mareykanka.

Joseph Thompson, oo hore u ahaa xeer-ilaaliye federaal ah kana mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay baaritaanka Feeding Our Future, ayaa markii la qabtay Cabdikariim sheegay in dib loogu celiyo Mareykanka ay la kulmi karto caqabado sharci iyo diblomaasiyadeed.

“Waxaa jira caqabado sharci iyo kuwo diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Thompson.

Warar soo baxay kadib xariggiisa ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah odayaasha beesha Cabdikariim ay ka soo horjeesteen in dibadda loo gudbiyo, iyagoo ku adkeystay in haddii wax dambi ah lagu heysto lagu maxkamadeeyo gudaha Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa inuu maxkamad ku wajahdo Soomaaliya, kadibna la ogaado inuu dambiile yahay ama lagu waayo,” ayuu yiri oday dhaqameed lagu magacaabo Qoordhere Jaamac, kadib markii uu booqday Cabdikariim oo xabsi ku jiray.

Arrintan ayaa dowladda Soomaaliya gelisay xaalad adag oo u dhexeysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, cadaadiska gudaha iyo xiriirka amni ee dhow ee ay la leedahay Washington.

Mareykanka ayaa Soomaaliya siiya taageero militari, dhaqaale iyo mid la xiriirta la-dagaallanka argagixisada, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ku dhawaaqista Khamiista ayaa muujineysa in labada dowladood ay heleen waddo kale oo ka baxsan nidaamka rasmiga ah ee isu-dhiibidda, inkastoo aysan weli faahfaahin heshiiska ama habraaca la adeegsaday.

Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa u mahadcelisay NISA, Booliska Soomaaliya iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka kaalintii ay ka qaateen helitaanka Cabdikariim iyo fududeynta wareejintiisa.

“Ma jiro meel ammaan ah oo ay dambiilayaashu ku dhuuman karaan, mana jiro gees dunida ka mid ah oo aanan ka shaqeyn doonin sidii caddaalad loo heli lahaa,” ayuu yiri Christopher Dotson, madaxa xafiiska FBI-da ee Minneapolis.

Door sare oo lagu eedeeyay

Xeer-ilaaliyeyaasha Mareykanka ayaa markii ugu horreysay Cabdikariim dacwad ku soo oogay September 2022, isagoo lala eedeeyay aas-aasaha Feeding Our Future, Aimee Bock, iyo tobannaan qof oo kale.

Waxay ku eedeeyeen inuu ka mid ahaa dadka ugu dhow Bock, isla markaana uu gacan ka geystay in xarumo cunto oo been abuur ah ay helaan oggolaanshaha iyo kafaala-qaadka hay’adda.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Cabdikariim uu soo qori jiray ka qeybgalayaal, ansixin jiray xarumo cunto, isla markaana uu laaluush iyo lacago baad ah ka qaadan jiray ganacsiyada doonayay inay helaan dhaqaalaha barnaamijyada quudinta carruurta.

Waxa kale oo lagu eedeeyay inuu sameeyay xarumo cunto oo been abuur ah oo magacyada dad kale lagu diiwaan-geliyay, iyo shirkado aan hawl dhab ah lahayn oo sheeganayay inay bixiyaan cunto iyo adeegyo kale.

Xarumahaas ayaa lagu eedeeyay inay gudbiyeen diiwaanno carruur oo been abuur ah, biilal aan sax ahayn iyo tirooyin la buunbuuniyay, iyagoo sheeganayay inay maalin kasta quudiyaan kumannaan carruur ah.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in in ka badan shan milyan oo dollar oo laaluush, lacag celin iyo hanti kale oo sharci-darro ah ay martay akoonno lala xiriiriyay shirkadaha Cabdikariim.

“Xilli qoysasku ku tiirsanaayeen barnaamij muhiim ah oo carruurtooda cunto lagu siinayay intii uu socday cudurka safmarka ah, Cabdikariim wuxuu ka xaday barnaamijkaas, kadibna dalka ayuu ka cararay halkii uu caddaaladda wajihi lahaa,” ayuu yiri Adam Jobes oo ka tirsan IRS.

“Dib u soo celintiisu waxay caddeyneysaa in waqti iyo masaafo aysan difaaci karin kuwa xada hantida shacabka Mareykanka.”

Malaayiin loogu talagalay carruurta

Feeding Our Future waxay kafaala-qaadi jirtay xarumo cunto oo ka qeybgalayay barnaamij federaal ah oo loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta ka soo jeeda qoysaska dakhligoodu hooseeyo.

Dowladda Mareykanka ayaa dabcisay qaar ka mid ah shuruudaha barnaamijka intii uu socday cudurka Covid-19, si carruurtu u helaan cunto xilli iskuullada iyo xarumaha kale ay xirnaayeen.

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa sheegay in Feeding Our Future iyo ganacsiyadii hoos tagayay ay ka faa’iideysteen isbeddelladaas, iyagoo dalbaday lacago lagu sheegay cunto aan la diyaarin ama aan la qeybin.

Maalgelinta ay hay’addu ka heshay dowladda federaalka Mareykanka ayaa ka korortay qiyaastii 3.4 milyan oo dollar sanadkii 2019, waxayna gaartay ku dhowaad 200 milyan oo dollar sanadkii 2021.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in hay’addu furtay in ka badan 250 xarumood, isla markaana si khiyaano ah ku heshay una qeybisay in ka badan 240 milyan oo dollar.

Qaar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa lacagahaas ku iibsaday gaadiid qaali ah, guryo, dhismayaal ganacsi, hanti dibadda ah iyo safarro caalami ah.

Aimee Bock ayaa lagu helay dambiyada shirqool, khiyaano iyo laaluush bishii March 2025, waxaana maxkamad federaal ah ay bishii May ku xukuntay 500 bilood oo xabsi ah, oo u dhiganta in ka badan 41 sano.

Agaasimaha FBI-da Kash Patel ayaa Cabdikariim ku tilmaamay mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii lagu eedeeyay qorshaha, isagoo sheegay in baaritaanka guud uu horseeday in ka badan 70 qof oo qirtay dambiyada lagu soo oogay.

“Wuxuu dibadda u cararay kadib markii dacwad lagu soo oogay 2022, balse iyadoo ay mahadsan yihiin saaxiibbadayada Wasaaradda Cadaaladda iyo dhiggooda Soomaaliya, FBI-du way soo heshay,” ayuu yiri Patel.

- Advertisement -

Read more

Local News