Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa digniin culus u dirtay dalalka Khaliijka, iyadoo uga digtay inay u oggolaadaan Mareykanka inuu dhulkooda, hawadooda ama biyahooda u adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan.
Tehran ayaa sheegtay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay yeelan doonto cawaaqib culus, isla markaana dalalka martigeliya weerarrada ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wixii ka dhasha.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Saleh Jokar ayaa sheegay in haddii Mareykanku ka faa’iideysto saldhigyada ama dhulka dalalka Khaliijka si uu u weeraro Iiraan, dalalkaasi ay wajihi doonaan “khasaare culus”.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Tehran aysan kala saari doonin cid kasta oo gacan ka geysata weerar lagu qaado dalkeeda.
Mas’uulkan ayaa sheegay in Iiraan ay xaq u leedahay inay difaacato madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaran, isagoo xusay in jawaab kasta oo ay bixiso ay ku saleysnaan doonto sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.
Wuxuu intaas ku daray in Tehran aysan dooneyn in colaaddu ku fido gobolka, balse aysan aqbali doonin in dalalka deriska ah loo adeegsado weerarro ka dhan ah.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu jebiyay is-afgaradkii u dhexeeyay labada dal, iyadoo sheegtay in dib u soo celinta xayiraadaha la xiriira hawl-gallada badda ay ka dhigan tahay jebinta heshiisyadii iyo dadaalladii diblomaasiyadeed ee socday.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayay sidoo kale Mareykanka ugu eedeysay inuu geystay waxa ay ku tilmaantay dambiyo dagaal, iyadoo ku andacootay in weerarro lagu qaaday xarumo rayid iyo kaabayaal adeeg bulsho oo aan ahayn bartilmaameedyo militari.
Sida ay sheegtay Tehran, goobaha la beegsaday waxaa ka mid ahaa xarunta caafimaadka ee Guutada 388-aad, xarunta kaydinta masagada ee Hoveizeh iyo goobo kale oo ay ku tilmaantay inay bixiyaan adeegyo muhiim u ah shacabka. Sheegashooyinkan ayaan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.
Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay in tani ay tahay markii saddexaad muddo hal sano gudihiis ah oo Mareykanku weerar ku qaado dalkeeda, xilli ay weli socdeen dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-hadallo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisadda u dhexeysa labada dhinac.
Ugu dambeyntiina, Tehran waxay ugu baaqday dalalka Khaliijka iyo guud ahaan waddamada gobolka inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta sii hurinta colaadda. Waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay xoojinta isfahamka, wada-shaqeynta iyo amniga gobolka, balse ay si adag uga jawaabi doonto haddii dal kale loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan.

