25.3 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Fahiima Quuje oo iska casishay barlamanka W/Bari, kana laabatay aragtidii Somaliweyn

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Fahiima Yuusuf Cabdullaahi (Quuje) oo kamid ahayd xildhibaannada baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xilkii ay ka haysay baarlamaankaas.

Qoraal ay soo saartay Fahiima Quuje ayay ku sheegtay inay si rasmi ah uga tagtay xilkii iyo xubinnimadii Baarlamaanka Waqooyi Bari ee ay beesheeda ku meteleysay.

Waxay sidoo kale caddeysay inay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn, iyadoo shaacisay inay dib ugu laabatay “qarankeedii Somaliland”, sida ay hadalka u dhigtay.

Fahiima ayaa qoraalkeeda ku xustay in go’aankan uu yahay mid ay si buuxda uga fiirsatay, isla markaana ay faahfaahinta sababaha ku kalifay ay bulshada la wadaagi doonto maalmaha soo socda.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli dad badan ay isweydiinayaan waxa sababay inay si lama filaan ah u beddesho mowqifkeedii siyaasadeed, maadaama ay hore uga tirsanaan jirtay baarlamaanka Waqooyi Bari.

Fahiima ayaa si weyn loogu xasuustaa kaalintii ay ku lahayd xilligii dagaalkii Goojacadde, oo ahaa dagaal sababay in ciidamada Somaliland laga saaro gobolka Sool.

Si kastaba, Fahiima ayaa haatan ku wajahan tahay magaalada Hargeysa, halkaas oo la filayo in si weyn loogu soo dhaweeyo, iyadoo dib ugu biireysa maamulka Somaliland.

- Advertisement -

Read more

Local News