Laascaanood (Caasimada Online) – Maamuka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan iga hadlay arrinta Fahiima Yuusuf Cabdullahi (Quuje) oo kamid ahayd xildhibaannada maamulkaasi, taas oo xalay ku dhawaaqday inay iska casishay xilkii iyo xubinnimadii Baarlamaanka Waqooyi Bari ee ay beesheeda ku meteleysay. Sidoo kale waxay caddeysay inay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn oo ay usoo dagaalantay.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Waqooyi Bari, kuna socday guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in Fahiima Quuje ay maalmahan ku socotay baaris, isla markaana laga gudbiyay dacwad xasaanad ka qaadis ah, kadibna markii ay ogaatay ay u baxsatay dhanka Somaliland.
Sidoo kale, waxaa warqadda lagu xusay in qorshuhu ahaa in maanta oo ah 18 July 2026 la maxkamadeeyo, si loo guda galo kiiskeeda, balse ay ka carartay deegaanka.
“Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dawladda WBS ayaa codsi Xasaanad Ka qaadis ah u soo gudbiyay Golaha taariikhdu markay ahayd 10 July 2026, Dacwadaas oo loo haystay Xil. Fahiima Yuusuf Quuje. Waxa uuna soo jeediyay Xeer Ilaaliyuhu in Golahu ka qaado xasaanadda Xil. Fahiima Yuusuf Quuje si loo maxkamadeeyo, Sidaa awgeed, waxa ay u muddeysnayd xil-ka-qaadista Xil. Fahiima Yuusuf Quuje 18 July 2026,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxaa kale oo lagu sii daray “Ugu dambeyn, eedeysane Fahiima Yuusuf Quuje oo ogaatay dacwada loo haysto ayaa u baxasatay Maamulka Gooni u goostada ah ee Waqooyi Galbeed”.
Go’aanka ay qaadatay Fahiima Yuusuf Cabdullahi (Quuje) ayaa dhaliyay hada-heyn xooggan iyo xasaasiyad wayn, maadaama ay ahayd gabar firfircoon oo hormuud u ahayd dhismihii maamulkan iyo ololaha midnimada dalka.
Waxaa kale oo Fahiima si weyn loogu xasuustaa kaalintii ay ku lahayd dagaalkii Goojacadde, oo ahaa dagaal sababay in ciidamada Somaliland laga saaro gobolka Sool.
Si kastaba, Fahiima ayaa haatan ku wajahan tahay magaalada Hargeysa, halkaas oo la filayo in si weyn loogu soo dhaweeyo, iyadoo dib ugu biireysa maamulka Somaliland.


