26.7 C
Mogadishu
Saturday, July 18, 2026

Duqeyn lagu laayey Shabaab badan oo ka dhacday Hiiraan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay duqeyn dhanka cirka ah oo ay xalay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Saaxibada Caalamiga ah ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, taas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay si gaar ah uga dhacday deegaanka Suullaay, oo qiyaastii 17 kiiloomitir dhanka koonfureed kaga beegan deegaanka Teedaan, isla markaana lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Khawaarijta ka sameysteen halkaasi.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in weerarka lagu dilay illaa 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka 18 kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale, waxa ay intaas ku dartay in afar xubnood oo ka tirsanaa firxadkii  Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo kala ah; Aadan Maxamed Jimcaale, oo kooxda ay u taqaannay Cabaas, Ibraahin Aadan Daahir, Aadan Abshir Cabdi iyo Nuurow Caawid Cali, oo kooxda ay u taqaannay Amiir.

Dhanka kale waxaa goobta ka firxaday xubno kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaas oo ay dowladdu sheegtay inay ka carareen hubkoodii kadib jab culus oo ay la kulmeen.

“Howlgalkan ayaa qayb ka ah gulufka joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saaxiibbada Caalamka ay ku wiiqayaan awoodda Khawaarijta Al-Shabaab, isla markaana lagu baacsanayo laguna ciribtirayo haraadiga kooxda, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ugu dambeyn Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa u mahadcelisay Saaxiibbada Caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka argagixisada, waxayna mar kale xaqiijisay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada lagu baacsanayo, laguna ciribtirayo Khawaarijta, iyagoo fulinaya amarka Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu dabar-goynayo argagixisada.

Maalmihii dambe dowladdaSoomaaliyeed ayaa kordhisay howlgallada lagu beegsanayo Khawaarijta, si looga xoreeyo deegaannada ay haystaan.

- Advertisement -

Read more

Local News