25.5 C
Mogadishu
Saturday, July 18, 2026

Somaliland: Fahiimo Quuje waxay u dhigantaa 100 rag ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Biyaha Xukuumadda Somaliland, Maxamed Cabdimaalik Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrinta Fahiima Yuusuf Cabdullahi (Quuje) oo kamid ahayd xubnaha Golaha Wakiilada Waqooyi Bari, taas oo xalay ku dhawaaqday inay ku laabatay Somaliland, iskana casishay xubinnimadii Baarlamaanka maamulkaas, sidoo kalena caddeysay inay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Fahiima Yuusuf Quuje aan la qasbin, isla markaana ay iyadu go’aansatay inay dib ula midowdo Qarankeeda, ayna ku faraxsan yihiin, soona dhaweynayaan.

“Fahiimo cidi ma keenin iyadaa go’aansatay inay dadkeedii kusoo noqoto, waana soo dhaweyneynaa, waxaana leeyahay Baxsaney Fahiimaay ka guddoonay baaqa,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdimaalik Axmed

Sidoo kale, wuxuu si weyn u amaanay Fahiima oo uu ku tilmaamay inay tahay Boqoradda Geeska Afrika, ayna u dhiganto 100 rag ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Fahiimo Yuusuf Quuje waa Boqoradda Afrika waa gabar u dhiganta 100 nin aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inay Somaliland kusoo guryo noqoto oo dareenkeedu siiyay in dadkeeda iyo dalkeeda la midowdo,” ayuu sii raaciyay.

Wasiirka Biyaha Somaliland oo deegaan ahaan kasoo jeedo Gobolka Sool ayaa sheegay in dadkiisa uu raadinayo, kuna soo celinayo Somaliland.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka reer Laascaanood oo uu ugu baaqay inay soo noqdaan inta ay joogta xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro.

“Dadka reer Laascaanood farriinta aan u dirayo waxaa weeye dadkani waa dadkiinii weligeedna waa la’is qaban jiray waana la heshiin jiray tana waa laga heshiinayaa, waxaana door bidyaa inta ay joogto xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad in aad heshiis qaadataan,” ayuu mar kale yiri Wasiirku.

Hadalkan waxaa ka horreeyay go’aan kale oo ay maanta ku dhawaaqay Waqooyi Bari, kadib markii Xidhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas ay xasaanaddii ka qaadeen Xildhibaan Fahiima Yuusuf Cabdullahi (Quuje), kadib eedeyn ka timid Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud.

Fahiima oo ku eedeysan dambi Qiyaano Qaran ah ayaa xasaanadda in laga qaado waxaa ogolaaday illaa 56 Xildhibaan, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr Aadan Cabdullahi Aw-Xasan.

Si kastaba, Go’aanka Fahiima Yuusuf Cabdullahi (Quuje) ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan iyo xasaasiyad wayn, maadaama ay ahayd gabar firfircoon oo hormuud u ahayd dhismihii maamulkan iyo ololaha midnimada dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News