26.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Daawo: Fahiima Quuje oo ka degtay magaalada Hargeysa

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Fahiima Yuusuf Cabdullahi (Quuje) oo kamid ahayd Xildhibaannada Golaha Wakiilada Waqooyi Bari ayaa ugu dambeyn maanta ka degtay magaalada Hargeysa, kadib markii ay maalmo kahor shaacisay inay iska casishay xubinnimadii Baarlamaanka maamulkaas, sidoo kalena caddeysay inay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn.

Fahiima Quuje ayaa waxaa si weyn garoonka diyaaradaha Hargeysa ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu kamid ah guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Yaasiin Faratoon, wasiirka arrimaha gudaha iyo shacab ku faraxsan soo laabashadeeda.

Sidoo kale, markii ay ka degtay Hargeysa ayaa Fahiima Yuusuf Quuje loo huwiyay calanka Somaliland, iyada oo kadib hadal siisay warbaahinta.

Ugu horreyn waxa ay sheegtay inay ku faraxsan tahay in 6 sano kadib ay dib ugu laabato magaalada Hargeysa, maadaama ay horay ula gashay dagaal, iyaga oo la safan maamulkii SSC-Khaatumo ee hadda loo bixiyay Waqooyi Bari.

Sidoo kale waxa ay intaas ku dartay in ay ku maqned tabasho iyo dulmi lagu sameeyay dadkeeda, haddana ay dib ugu laabatay Somaliland.

“Gabar Reer Somaliland oo lagu kalifay Tuutaha in ay gashato oo dulmi iyo gardarro lagu sameeyey baan ahaa, waxaan cadeynayaa qof reer Sool ah oo dambi leh in uusan jirin, Dowladdii SL ee aan dhisanay oo aan dastuurkeeda qornay iyo canshuur bixiyaha ka aheyn ayaa noo geysatay ficil kasta oo lamid ah intii Burco iyo Berbera kacaankii ka geystay ee madax banaanida nagu riixday,” ayay tiri Fahiima Quuje markii ay degtay magaalada Hargeysa.

Dhawaan Maamulka Waqooyi Bari ayaa uga horyimid tallaabada Fahiima, iyada oo xasaanaddii lagala noqday, kadibna lagu eedeeyay qiyaano qaran, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Waqooyi Bari.

Si kastaba, Go’aanka Fahiima Yuusuf Cabdullahi (Quuje) ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan iyo xasaasiyad wayn, maadaama ay ahayd gabar firfircoon oo hormuud u ahayd dhismihii maamulkan iyo ololaha midnimada dalka, balse hadda la kaabatay fikirkeedii hore, kuna noqday deegaannada Somaliland.

- Advertisement -

Read more

Local News