25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Xamza oo arrimo cusub ka shaaciyay wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka ay marayaan heer wanaagsan, isla markaana ay jiraan rajooyin muujinaya in dhinacyadu ku dhow yihiin inay gaaraan heshiis siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalin karo oo keliya wada-hadal, is-afgarad iyo isu tanaasul, isaga oo ku baaqay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ay mudnaanta siiyaan danta guud ee dalka, kana fogaadaan wax kasta oo carqaladeyn kara geeddi-socodka wada-hadallada.

Hadalka Xamza ayaa kusoo beegmaya xilli maanta magaalada Muqdisho dib uga bilowdeen kulamadii u dhexeeyey Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Wada-hadalladan oo si rasmi ah u billowday 9-kii bishan ayaa diiradda lagu saaray hannaanka doorashooyinka dalka, hannaanka siyaasadda iyo sidii loo yareyn lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo kooxaha mucaaradka.

Dowladda Federaalka iyo saddexda garab ee mucaaradka oo kala ah Golaha Mustaqbalka, Golaha Midnimo Qaran iyo Isbahaysiga Nabad iyo Nolol ayaa la sheegay inay isku mowqif ka yihiin hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, inkasta oo ay weli jiraan qodobo kale oo u baahan in la isku afgarto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyey rajo ah in wada-hadalladu kusoo dhammaan doonaan is-afgarad, isaga oo xusay in xal kasta oo waara uu ku imaan karo wada-tashi, tanaasul iyo ilaalinta midnimada dalka.

Si kastaba, hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli kulankii ugu dambeeyey ee ay yeesheen dhinacyada uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan, inkastoo la filayo in wada-hadalladu ay sii socdaan, iyadoo dadaallada dhex-dhexaadinta ay weli socdaan.

- Advertisement -

Read more

Local News