25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Puntland oo war culus ka soo saartay dagaalkii shalay ee ciidankeeda iyo kuwa DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay xiisaddii dagaal ee ka taagnayd deegaanka Laag ee duleedka Boosaaso, taas oo u dhexeysay ciidamada ammaanka Puntland iyo ciidanka gaarka ah ee PSF.

Puntland ayaa sheegtay inay si buuxda u soo afjartay hawl-galkii ka socday deegaankaasi, isla markaana ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen goobihii ay ku sugnaayeen kooxihii ay la dagaallamayeen.

War-saxaafadeedka Puntland ayaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka inay ka dambeysay abaabulka maleeshiyaadka ay sheegtay inay ku lug lahaayeen dagaalka, iyadoo ku tilmaantay dowladda dhexe “xukuumad wakhtigeedu dhammaaday.”

“Puntland waxay aaminsan tahay in xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee sharci-darrada ku joogta dalka ay maleeshiyaadkan u abaabushay si ay u waxyeelleeyaan amniga, xasilloonida, wadajirka, dowladnimada iyo nabadda Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Puntland.

Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in ciidamada ammaanku ay hawl-galka ku qabteen gaadiid ciidan, hub noocyo kala duwan ah iyo maxaabiis, iyadoo intaas ku dartay in weli la baadi-goobayo xubno ka firxaday goobta dagaalka.

Maamulka ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ku raad-joogaan firxadka kooxdaasi, isla markaana ay filayaan in hawl-gallada harsan lagu soo gaba-gabeeyo saacadaha soo socda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin eedeymaha ay Puntland u jeedisay.

Si kastaba, dagaalkan oo shalay ilaa fiidkii xalay ka socday deegaanka Laag ee gobolka Bari, kuna dhexmaray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF, oo Puntland sheegtay inay taabacsan yihiin Dowladda Federaalka ayaa billowday kadib markii ciidamo ka tirsan PSF oo ka baxay magaalada Boosaaso kuna sii jeeday dhinaca degmada Xaafuun lagu hakiyay buundo ku dhow deegaanka Laag.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa la sheegay inay PSF ka dalbadeen inay dib ugu laabtaan Boosaaso, isla markaana aysan sii wadan karin safarkooda iyagoo aan fasax ka haysan taliska ciidamada Puntland.

Arrintaas ayaa dhalisay ismari-waa iyo hadallo kulul oo dhexmaray saraakiisha labada ciidan, kahor inta aysan xaaladdu isu beddelin iska hor-imaad hubeysan.

Rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsadeen ayaa hakad gelisay isu socodkii gaadiidka ee waddada xiriirisa Boosaaso iyo deegaannada dhaca xeebaha gobolka Bari, waxaana dadka deegaanka soo wajahay cabsi iyo walaac xooggan.

Ilo deegaanka ku sugan ayaa markaas sheegay in dagaalku uu socday si goos-goos ah laga soo billaabo galabnimadii ilaa fiidkii xalay, iyadoo labada ciidan ay isku hor fadhiyeen goobo aan sidaas isu jirin.

Xiisadda u dhexeysa Puntland iyo PSF ayaa ku soo aadeysa xilli maamulka Puntland uu soo saaray amar dhigaya in deegaannadiisa aysan ka howl-geli karin ciidamo aan hoos imaan taliskiisa ama aan amar ka qaadan hay’adaha amniga ee maamulka.

Puntland ayaa ku eedeyneysa PSF inay xilligan xiriir toos ah la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka baxday nidaamka taliska ciidamada maamulka.

- Advertisement -

Read more

Local News