Arrin aad u xun oo ku sii kordheysa Somaliland & mas’uuliyiin la sheegay…

Faragalinta odeyaasha dhaqanka iyo maqnaanshaha fulinta sharciga ayaa wiiqaya dacwad soo joojinta kiisaska sii kordhaya ee kufsiga gobolka Somaliland.

In kabadan 180 haween iyo carruur Somaliland ku nool ayaa la kufsaday intii u dhaxaysay bishii January ilaa 18-kii August, sida ku cad diiwaan-galin ay sameysay Xarunta Baahi-Koob, oo ah xafiis ay yimaadaan dhibanayaasha kufsiga oo ku dhex yaal Isbitaalka Guud ee Hargaysa. Xarunta ayaa la talisa dhibanayaasha, waxa ayna ku sameeysaa baaritaan caafimaad, waxa ayna kiisaskooda u gudbisaa bilayska iyo garsoorka.

“Bil kasta iyo sannad walba xadgudubyada kufsigu way sii kordhayaan,” ayuu yiri madaxa barnaamijyada Baahi-Koob Cabduqaadir Axmed Maxamed. Waxa uu sheegay in 30% xaaladahaas lasoo wariyay loo fuliyay si wadareed, iyada oo 55% dhibanayaasha ay da’doodu ka yartahay 15 sano.

Xaruntan oo dhidibada loo aasay 2009-kii, ayaa waxa caqab ku ah dhaqaale la’aan, iyada oo ka howlgasha hal xarun. Yoolalka ugu waaweynee ay xaruntu hiigsanayso waxaa ku hor gudban caqabado dhowr ah, sida faragalin dhaqanka ah, dabacsanaanta sharciga ee ku aaddan dambi kusoo oogista kufsadayaasha lasoo eedeeyay iyo bulshada oo aan aqoon u laheyn soo warinta kufsiga waqtiga uu dhacay, ayuu sheegay Maxamed.

Waxaa intaa dheer, shaqaalaha caafimaadka ee xarunta Baahi-Koob ma haystaan qalab ama tababar ku filan oo ku aaddan sida si sax ah loogu ururiyo caddeyn jismiyeed oo loo isticmaali karo maxkamadda. Afar meelood meel kiisaska ay gacanta ku dhigto Baahi-Koob waxa ay ku dhammaadaan caddeyn la’aan marka maxkamadda loo gudbiyo, ayuu yiri Maxamed.

Wax ka yar 20% kiisaska ay Baahi-Koob maamulka ammaanka u gudbiso ayaa la xukumaa maxaa yeelay odeyaasha dhaqanka ayaa la wareega kiisaska xitaa iyada oo dhagaysiga maxkamadda uu socdo, ayuu yiri.

Waxaa jira seddex hab oo garbo siman oo lagu xaliyo khilaafaadyada ka dhaca Somaliland — mid waxa uu ku salaysanyahay caado dhaqameed waxaana majaraha u haya odeyaal dhaqan, midna waxa uu ku salaysanyahay shareecada, halka kan kalena uu ku qotomo xeerka ciqaabta Somaliland — taa oo dambiilayaasha u oggolaanaysa in ay qaataan xukunka iyaga maslaxaddu ugu jirto.

Inkata oo xeerka ciqaabta uu dhigayo in 15 sano lagu xukumo kufsiga, haddana majirto maxkamad abid xukun intaa la eg ku ridday kufsade la xukumay, ayuu yiri Maxamed.

“Waxa dhacda in xadhig hal sanno ah lagu xukumo, kadibna uu qofku markiiba iibsado,” ayuu yiri.

Si walba oo ay ahaataba, Maxamed waxa uu soo dhoweeyay xukun 10 sano ah oo 4-tii August ay Maxakamadda Gobolka Maroodi Jeex ay ku ridday 20 kamida 21 nin oo lagu helay kufsi wadareed ay u geeysteen labo haween ah oo Hargaysa ka dhacay July 2012-kii. Eedaysanaha soo haray ayaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah.

“Kani wuxuu ahaa xukunkii ugu wanaagsanaa ee dawladdu ku rido koox kufsi-wadareed geysta, sidoo kalena waa kii ugu adkaa ee kiisaska kufsiga guud ahaan lagu qaado,” ayuu yiri. Si walba oo ay ahaataba, xukuumaddu waa in ay ka shaqaysaa samaynta iyo fulinta nidaam cadaaladeed kali ah, ayuu yiri, isaga oo hoosta ka xariiqay in waqtigan aannu jirin sharci odeyaasha dhaqanka iyo dadka kale ka mamnuucaya in ay fara galiyaan kiisaska caynkan oo kale ah.

Guur kufsi ah

Kiisaska ay diiwaan-galisay xarunta Baahi-Koob aad bay uga yaryihiin tirada guud ee kufsiga ah ee ka dhacay Somaliland 2013-kii, sida uu sheegayo Axmed Yuusuf Xuseen, oo ah madaxa Dalladda Xuquuqda Aadanaha Horn ee fadhigeedu yahay Hargaysa.

“Sababtoo ah waxay ku kooban tahay Hargeysa, weliba dhibaneyaasha oggolaada inay kiiskooda gudbiyaan,” ayuu yiri Xuseen  “Kufsigu weligii heerkan ma gaadhin, wuxuuna Somaliland ka noqday mushkilada ugu wayn ee xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadnaaha.”

Majiro qof xaqiijin kara kufsiyada kale ee ka dhacaya Hargaysa ama qaybaha kale ee Somaliland, ayuu yiri. “Waxaanu ku baaqaynaa in si degdeg ah xal loogu helo dhibaatadan,” ayuu yiri Xuseen.

“Marka kooxo dhalinyaro ama rag ahi kufsi kula kacaan gabadh keliya, waxa dhacda in ay dhinacyada dhib-geysteyaashu qaybsadaan lacag xaal ah oo ay qoyska dhibanaha siiyaan,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in xitaa qaar kamid ah dhibanayaasha lagu khasbo in ay guursadaan kuwii kufsaday taa oo qeyb ka ah in maxkamadda laga dhex saaro qoysaska iyada oo ay mukhalasiin ka yihiin odeyaasha dhaqanka.

Badi lacagta xaalka ee kufsiga lagu kala qaataa kama badna 5 milyan oo Somaliland shillin ah [$760), ayuu yiri Xuseen.

“Sida aanu ka warqabno, cida sifahan la isugu guuriyo waxa dhaca furniin degdeg ah muddo aan lix biloodba ka badnayn,” ayuu yiri. “Sababtoo ah niyad-jabka ay gabadhu ka dhaxasho gefka loo geystay.”

Wali, waxaa jira calaamado muujinaya horumar laga gaaray dacwad soo joojinta kiisaska kufsiga, sida uu sheegayo Xuseen Jaamac Guuleed, oo lataliye sharci iyo mid farsamo ka ah xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland.

In ka badan 134 qof oo lagu soo oogay 67 kiis oo kufsi ah ayaa la xukumay intii u dhaxaysay May 2012-kii ilaa May 2013-ka, ayuu Guuleed  sheegay. Tiradani waxa ay ka dhigantahay koror 30% ah marka loo eego xukunnadii dhacay sanadkii hore.

“Waxa muuqata in horumar laga sameeyay barnaamijka ku saabsan wax-ka-qabashada arrintan,” ayuu yiri.

Horumarka ayaa waxa uu ku yimid dadaal iskaashi ah oo dhex maray xafiiska xeer-ilaalinta iyo Barnaamijnka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) oo looga golleeyahay horumarinta hannaanka caddaaladda Somaliland, ayuu yiri.

Qawaaniin adag ayaa jira kuwaa oo loo adeegsan karo in lagu xukumo kiisaska kufsiga, ayuu yiri Guuleed. “Sharci fulin la’aani way jirtaa, laakiin xukun fulin la’aani ma jirto,” ayuu yiri.

“Haddii kiisas kufsigu soo gaadhaan xafiiska Xeer-ilaalinta, way adagtahay in lagula baxo hab dhaqan,” ayuu yiri, isaga oo qiray in faragalinta maraaxisha hore ay wali caqabado ku yihiin keenidda dambiilayaasha kufsiga ee caddaaladda.