Ceel Cadde iyo Sheekh Roobka!!!

Wadaad  xume kitaab gaabloow ah , oo aan diinta wax ka aqoon laakiin cimaamad tusbax dheer oo madow iyo khamiis dufan badan xiran ayaa bartamaha 1980ka wuxuu noo keenay dacwad uu ka waday Sheekh Buuni ku ahaa Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ,oo markaas soo dagay Magaalo markaas tuulo ahayd oo laga xukumay Garbahaareey , waa ceel caddee , wadaad xumahaas wuxuu noo ahaa nin aan laga daba hadlin oo kacaanka iyo afkaartiisa daacad u ah , waxaana laga jeclaa xarumaha dawlada bacdamaa uu wax waliba oo ay askartu doonayaan uu xaashiyo wax ku qoranaayeen u rogo asuu ku sheegay kitaab.

Waxaan ahaa askari  darajadiisu hoosayso, gaardiska   waxaa ii dheeraa dugsi quraankii aan ka qalin jabiyay dhawr sano ka hor intaan galin ciidanka qalabka sida ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya , waxaan ka mid noqday dadkii lagu bilaabay qorista iyo akhrinta Farta Soomaaliga , Ololihii la dagaalanka wax qoris la’aanta ayaan kororsaday Qorista iyo akhrinta Afkeenna , laakiin maysan jirin buugaag badan oo lagu qoray afkeena sidoo kale hal joornaal oo ay askartu dadka ku haasaawin jireena nama soo gaari jirin dhaqaale iyo waxay noqotaba.

Markii Sheekh Xassan Daahir  Xabsiga la dhigay waxaan ka mid ahaa askartii ilaalada ka ahayd xabsiga uu ku xirnaa Sheekha, la sheekaysigiisa waxaa ka faa iiday micnaha qaybo badan oo Qur’aanka ah iyo dalacsiin la’aan dhanka askarinimo , waxaan bilaabay oo aan ilaa haattan wadaa inaan tukado Salaadaha 5 ta ah hadba siday igu qabato, taliyahagii Mad Yuusuf oo markaas ahaa Kacaan ay seeftiisu banaanka tahay ayaa damcay inuu gudaha i dhigo bacdamaa ay waysadaydu badatay , laakiin waxaa arintaas been yiri ku dhaqankeenna xun ee qabiilka , caradii uu ii qabay ayuu Mad Yuusuf igu qoray badal uu hor kacayay oo Tiyeegloow loo waday.

Muddo aan dheerayn markuu Mad Yuusuf ka ruqsaystay Ciidanka Xoogga ayaa la ii badalay Garbahaareey, bil Ramadaan bartankeed ayaan ka mid noqday unug loo diray Ceel Cadde soona xira Sheekha uu kasoo war sheekooday Wadaad xumaha  waddanka laga jeclaa maalintaas , goor casar liiq ah ayaan gaarnay Tuuladii , aniga iyo Muxyadiin Yalaxoow  ma ahane Ragga aan la socday waxay dhuuqayeen Sigaar la oran jiray Galayr oo lagu samayn jiray warshadda kaliya ee aan ku bur birin gacan soomaali , 1993 dii ayay UNISOM  gantaaladdii ay la dhaceen ku bas beeshay.

Taliye unugeedkii na watay ayaa Amar nagu siiyay aniga Iyo Muxyadiin bacdamaa aan tukano inaan warka sheekhaas u kuur galno anagoo xiran dhar shacab , intaanan sheekha dacwaddu ka timid aanan aadin ayaan dhex marnay tuulada oo dadkeedu iskaba yaraa, waxaan u kuur galnay arinta , la yaabka ugu wayn wuxuu ahaa markay dadkaan la kulanay isku raaceen siduu sheekhaan tuuladaa u yimidba in roobkiiba la waayay , oo sheekhu ma roobka ayuu maamulaa , mayee waa bidci sacuudiga laga soo diray , halkaas markay marayso ayaa maankayga waxaa qalow kusoo yiri Sheekh Xassan Daahir oo aan uga imid xabsiga dhexe ee Muqdisho.

3 kamid ah 4 kitaab oo aan ku arkay qolkuu ku xirnaa ayaan xasuustay magacoodii , Saxiixul Bukhaari , Fiqi Sunnah , Fadxul Majiid iyo mid aan iloobay, waxaana looga yaqiinay xabsiga Kitaabada Suciidiga, Ragga Hanti wadaagga cilmiga ku dhisan aaminay waxay u arkayeen halis ay tahay in laga hortago , goor casar gaab ah ayaan u tagnay wadaadkii kitaab gaablooga ahaa , wuu nasoo dhaweeyay wuxuuna isku dayay inuu na marti sooro , laakiin Muxyadiin ayaa yiri sheekh waan soomanahay , markaasuu yiri Musaafur baad tihiine iska afura , waxaan iri sanadkoo dhan sidaan ayaa shaqa noo aha markaa mar aan daganahay ma jirtee bal noo waran.

Intuu hareeraha iska eegay sidii foodleey mid kale xanteeda maagan hadalkiina hoos u dhigay ayuu yiri waxaa tuulada soo dagay wadaad bidci ah oo sucuudiga lacag laga soo siiyay , Muxyadiin ayaa yiri , ma Sucuudiguu ka yimid , wuxuu yiri haa oo asagaaba ii sheegay , ninkaas hadaan tuulada laga qaban si deg deg ah fidnaa ka dilaacaysa , maxaa ka mid ah ayuu yiri Muxyadiin , wadaadkii ayaa yiri , horta siduu u yimid roob ma imaan , dumarkiina gabdho unbay dhalayaan , dadkana wuxuu ku wacdiyaa , siyaarada qabuuraha waa xaaraan awliyada in la baryo waa shirki iyo shuqul shaydaan.

Amar xagga Muxyadiin ah ayaan arinta u kaadinay oo wuxuu ku taliyay in baaristeeda la badiyo , waxaan fiidkii u tagtay dhowr nin oo aan magacyadooda ka xasuusto , Rafle (Matooraka ninka u shida Tuulada ) , Xassan (ama Xuseen) Gacameey , iyo nin aan magaciisa iloobay oo nalagu yiri wuxuu la dhashay Sheekh Aadan Sheekh C/llaahi , wadaadkii Tafsiirka ka marin jiray Reediyoow Muqdisho Allaha u naxariisto sheekh Aadan. Markaan xoogaa la joognay ayaa waxaan bilownay si doqoni ma garatay ah inaan uga waraysano sheekhan laga cabanayo , waxay noo sheegeen war kii Wadaad xumaha ka duwan , laakiin mataan la ah oo ah inaysan ku farxin imaan shihiisa Ceel Cadde , waxay u badiyeen inuu ninkaan yahay Kacaan diid ayna tahay in Gudaha la dhigo.

Galabkii danbe ayaan u nimid nin oday ah oo la yiraahdo Sheekh Ibraahim kana mid ahaa wax-garadka degmada ceel cadde laga xurmeeyo , waraysiganagii ayaan u dhignay sidaan doonaynay , Sheekh Ibraahim wuxuu na siiyay war kuwii horaba ka duwan , waxaan ka xusuustaa erayadiisii Sheekh Xassan Dheere wuxuu yimid gurigiisii wuxuuna ka yimid  Galgaduud iyo guri colaadeed, Ceel Cadana nasiib ayay leedahay haduuba ka doortay inta kale dhulka oo maanta uu degaan u doortay cilmi iyo caqli aysan aduun ku bixin ayaa u yimid.

Muxyadiin Yalaxoow oo ka mid ahaa raggii lagu aas aasay ciidanka nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa wuxuu diyaariyay warbixin dhinacyadii aan la kulanay oo dhan midkoodna ka tagin wuxuuna kusoo gunaaday galab aan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Boqortooyada Ingiriiska kusoo dhagaysanay Guriga uu markaas ka daganaa Sheekh Xassan Dheere Tuulada Ceel Cadde , Laama yeeri guduudan guri ka samaysan ayaan hoos galabeedkiisa kusoo cabnay shaah baraad oo aan ku dhagaysanay warkii galabtaas raadiyuhu siidaayay.

W/Q: F  Hiirane

fahiira@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax xiriir ahna lama lahn tan Caasimada Online