26.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta doorashada Koonfur Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta doorashada Maamulka Koonfur Galbeed, xilli loo saadaalinayo xilka madaxweynaha.

Sheekh Aadan Madoobe oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada Koonfur Galbeed, ayaa maanta ka qayb-galay doorasho uu sameeyay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee (JSP), gaar ahaan doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Baarlamaanka.

“Waxaan maanta ka qeyb galay doorasho hoosaadka Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP, gaar ahaan Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Sheekh Aadan.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in doorashooyinkan ay bilow u yihiin mida madaxweynaha oo la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Baydhabo.

“Doorashada oo u dhaceysay hab online ah ayaa waxa ay bilow u tahay doorashooyinka ilaa heer hogaamiye ee dhowaan sida rasmiga ah uga bilaaban doona deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,” ayuu sii raaciyay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhawaan loo gartay inuu noqdo musharraxa ugu culus ee xilka Koonfur Galbeed, gaar ahaa JSP, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulkaas ay u arkaan musharrax ay dhabarka ku wado Villa Somalia.

Arrintan ayaa tartanka ka dhigeysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhaba ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo dowladda federaalka ay saameyn xooggan ku leedahay.

Si kastaba, Baydhaba ayaa haatan martigelineysa mas’uuliyiin kala duwan, waxaana magaalada ka socda shirar siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo xooggan.

- Advertisement -

Read more

Local News