27.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Xiisadda Turkiga iyo Israel oo cirka isku shareertay: Dagaal miyaa soo socda?

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Turkiga iyo Israa’iil ayaa gaaray heerkii ugu xumaa sannadihii u dambeeyay, iyadoo ay sii kordheyso cabsi laga qabo in xiisaddaasi isu beddesho isku dhac militari.

Labada dal ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay si tartiib-tartiib ah ugu sii kala fogaanayay dhinacyada siyaasadda iyo amniga, iyadoo hadallada kulul ee hoggaamiyeyaashu is dhaafsanayaan ay xaaladda sii murjinayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa 11-kii April si kulul u weeraray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isaga oo ku eedeeyay inuu taageero siinayo waxa uu ku tilmaamay “maamul ay Iiraan gadaal ka riixeyso”, isla markaana uu cadaadis ku hayo dadka Kurdiyiinta ah.

Erdogan ayaa isna 15-kii April khudbad uu jeediyay ku eedeeyay Israa’iil, isaga oo sheegay inay iska indhatireen khasaaraha ka dhacay Gaza, isla markaana ay isku dayayaan faragelin ka dhan ah amniga Turkiga, iyaga oo adeegsanaya arrimaha Kurdiyiinta.

Hadalladan is-dhaafsiga ah ayaa sare u qaaday xiisadda, iyadoo dhinacyadu ay si toos ah isu weerarayaan dhanka warbaahinta iyo masraxyada siyaasadda.

Falanqeeyayaal la hadlay warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegay in khatarta isku dhac militari ay sii kordheyso, inkasta oo labada dal ay weli wadaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu xakameynayo xaaladda.

Xiisadda u dhaxaysa Ankara iyo Tel Aviv ayaa si weyn u sii xumaatay kadib weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii October 2023 iyo jawaabtii militari ee xoogganayd ee Israa’iil ka fulisay Marinka Gaza.

Turkiga ayaa si cad u cambaareeyay hawlgallada Israa’iil, isaga oo ku tilmaamay xasuuq ka dhan ah shacabka Falastiiniyiinta, halka Israa’iil ay ku eedeysay Ankara inay garab siinayso kooxaha ka soo horjeeda.

Dhinaca kale, Ankara ayaa qaaday tallaabooyin dhaqaale oo ka dhan ah Israa’iil, iyadoo ku dhawaaqday inay joojisay ganacsigii kala dhexeeyay, arrintaas oo sii xoojisay khilaafka labada dhinac.

Si kastaba, inkastoo xiisaddu cirka isku shareertay, haddana waxaa jira dadaallo hoose oo ay wadaan dalal iyo hay’ado caalami ah, kuwaas oo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda, si looga hortago isku dhac toos ah oo ka dhex qarxa Turkiga iyo Israa’iil.

- Advertisement -

Read more

Local News