27.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Kenya oo malaayiin dollar ka heshay Israa’iil + ujeedka ka dambeeya

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa Israa’iil ka heshay lacag dhan 6 bilyan oo shilinka Kenya ah, una dhiganta ku dhowaad $47.5 milyan oo dollar.

Lacagtan oo ah amaah ayey Kenya waxay u aadegsan doontaa xoojinta awooddeeda dhinaca milateriga, gaar ahaan dhismaha nidaam difaac oo hawada ah.

Wararka laga helayo ilo ka tirsan xukuumadda Nairobi ayaa sheegaya in lacagtan lagu maalgelinayo iibsashada qalab casri ah oo difaaca hawada ah, si looga hortago weerarro suurtagal ah oo gantaallo ama hub kale lagu soo qaado.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa tilmaamay in qorshahan uu qeyb ka yahay istiraatiijiyad ballaaran oo lagu casriyeynayo ciidanka dalka, iyadoo diiradda la saarayo ka hortagga khataraha ka imaan kara hawada sare.

Nidaamka cusub ee Kenya ay qorsheyneyso inay hesho ayaa la sheegay inuu awood u yeelan doono burburinta diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwa aan duuliyaha lahayn (drones), iyo hubka hagista leh ee si sax ah loo hago.

Sidoo kale, Kenya ayaa dadaal ugu jirta inay la jaanqaaddo dalalka horumaray marka la eego dhinaca milateriga, iyadoo sare u qaadaysa iskaashiga ay la leedahay quwadaha caalamiga ah.

Xukuumadda Nairobi ayaa heshiisyo kala duwan la gashay dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo door muuqda ka qaadanaya hirgelinta qorshahan cusub ee difaaca.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada amni ee gobolka, taas oo Kenya ku riixaysa inay xoojiso awooddeeda difaac si ay uga hortagto khatar kasta oo kusoo fool leh.

- Advertisement -

Read more

Local News