30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Golaha Mustaqbalka oo shuruud ku xiray ka qeyb-galka gogosha Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shuruud cusub ku xiray ka qayb-galka gogosha wada-hadal ee dhawaan uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mucaaradka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada-hadal, haddii madaxweynuhu joojiyo doorashada halka dhinac ah, lana helo dhex-dhexaadiyayaal lagu qanci karo.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si taxaddar iyo masuuliyad leh u soo dhoweynayaa casuumaadda Madaxweynaha ee ku aaddan wadahadalka la qorsheeyey 10-ka May 2026,” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaa intaa dheer in casuumaadda uu haatan fidiyey uu maalinkii ka dib ku dhawaaqay jadwalka doorasho hal dhinac ah, welina ay sii socoto barakicintii dadka, xarigii dhalinyarada, taas oo caddeyn u ah in casuumaaddi aysan qoral dhaafsiisnayn, welina uusan diyaar u ahayn wadahadal dhab ah.”

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si taxaddar iyo masuuliyad leh u soo dhoweynayaa casuumaadda Madaxweynaha ee ku aaddan wadahadalka la qorsheeyey 10-ka May 2026.

Goluhu wuxuu caddeynayaa inuu hore si niyad-sami iyo daacadnimo leh uga qayb qaatay wadahadallo, xilli uu Madaxweynuhu ku barbar waday tallaabooyin uu si sharci-darro ah ugu beddelayey dastuurka dalka.

Waxaa intaa dheer in casuumaadda uu haatan fidiyey uu maalinkii ka dib ku dhawaaqay jadwalka doorasho hal dhinac ah, welina ay sii socoto barakicintii dadka, xarigii dhalinyarada, taas oo caddeyn u ah in casuumaaddi aysan qoral dhaafsiisnayn, welina uusan diyaar u ahayn wadahadal dhab ah.

Goluhu wuxuu mar kale adkaynayaa sida ay uga go’an tahay ka-qaybgal wadahadal dhab ah oo heshiis qaran looga gaarayo doorashooyinka dalka, hase yeeshee wuxuu aaminsan yahay in wadahadal dhab ahi uusan suurta gal noqon karin iyadoo ay barbar socdaan tallaabooyin lid ku ah wada-xaajoodka iyo is-afgaradka.

Haddaba, Goluhu wuxuu caddeynayaa inuu diyaar u yahay wadahadal, haddii uu Madaxweynuhu qaado tallaabooyinkan soo socda:

1. In uu muujiyo daacadnimo dhab ah oo ku aaddan wadahadalka, joojiyana tallaabooyinka doorasho ee hal dhinac ah ee natiijadeeda la sii ogyahay, balse qof iyo cod ku magacaaban.

2. In la helo hannaan dhex-dhexaadin madax-bannaan oo la isku raacsan yahay.

Goluhu wuxuu si cad u adkaynayaa in heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka la gaaro ka hor 15-ka May 2026 oo ku eg muddada xilka Madaxweynaha.

Haddii taasi dhici weydo, Goluhu isagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed wuxuu qaadi doonaa tallaabooyin masuuliyadeed oo lagu badbaadinayo midnimada iyo jiritaanka dowladnimada dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News