Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa beeniyay warar si weyn ugu faafay baraha bulshada oo sheegayay in xaafado ka tirsan magaalada Hargeysa lagu qabtay walxaha qarxa iyo raggii waday.
Taliska oo soo saaray qoraal uu ku beeninayo wararka faafay ayaa sheegay in aysan jirin qaraxyo lagu qabtay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, isla markaana ay yihiin been abuur wararkaasi.
“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu beeninayaa qoraal been abuur ah oo si khaldan loogu faafiyay baraha bulshada. Taliska waxa uu caddeynayaa in qoraalkaasi aanu waxba ka jirin, isla markaana uu yahay mid marin-habaabinaya bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.
Sidoo kale, ciidanka booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeysay faafinta wararkaasi been abuurka ah. “Waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan marka la xaqiijiyo,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka uu soo saaray Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.
Dhawaan, maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub laga keenay dalal shisheeye, kaas oo la doonayay in lagu kiciyo colaado beeleedyo isla markaana lagu qalqal-geliyo nabadda gobollada galbeedka, gaar ahaan Awdal iyo Salal.
Hubkaas ayay sheegeen in looga dan lahaa in lagu kiciyo colaado beeleedyo, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland uu sheegay in Somaliland ay wajahday faragelin dibadeed tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay heshay aqoonsi, taas oo uu sheegay inay sababtay inay cadow badan yeelato.
Wasiir Cabdalle Sandheere ayaa markaas tilmaamay in fara-gelintaasi ay qaabab kala duwan u dhacday, oo ay ka mid yihiin taageero dhaqaale, dacaayado iyo hub la soo gelinayo gudaha Somaliland.
Waxa uu sheegay in hay’adaha ammaanka ay gacanta ku hayaan caddeymo la xiriira arrimahan, isla markaana waqtiga ku habboon ay shacabka u soo bandhigi doonaan noocyada hubka iyo waddamada laga keenay.

