28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Ganacsade caan ah oo aano qabiil darteed loogu dilay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Qardho (Caasimada Online) – Maxamed Axmed Shire Faarax oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada Qardho ayaa maanta lagu dilay gudaha magaaladaas, oo ah xarunta gobolka Karkaar.

Ganacsadahan oo caan ka ahaa Qardho ayaa la sheegay in lagu dhex dilay xarun ganacsi oo uu ku lahaa magaaladaas. Dilka ganacsadaha waxaa la sheegay in ay fuliyeen rag hubaysan oo aan ilaa hadda la aqoonsan.

Dableyda ayaa goobta ka baxsaday isla markiiba kadib markii ay falka geysteen. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dilka ganacsadahan lala xiriirinayo aano qabiil iyo xiisad ka dhalatay dagaal ka dhacay bannaanka magaalada Qardho, ka hor falka dilka ah.

Dagaalkaas oo dhacay saaka aroortii ayaa la sheegay inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xiisadda la xiriirta muranka dhulka ayaa horey uga dhalisay dagaal kooban oo ka dhacay dooxooyinka ku dhow Qardho, kaas oo la xaqiijiyay in uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca afar kale.

Maamulka gobolka Karkaar iyo laamaha ammaanka ee magaalada Qardho ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dilka ganacsadaha iyo dagaalka la xiriira muranka dhulka ee ka dhacay bannaanka magaalada.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa walaac xooggan ka muujinaya sii socoshada xiisadaha la xiriira dhul-daaqsimeedka iyo aanooyinka qabiilka, kuwaas oo marar badan sababay iska horimaadyo iyo khasaare nafeed.

Ilaa hadda waxaa socda baaritaanno ay wadaan hay’adaha ammaanka, iyadoo laga sugayo inay ka warbixiyaan dilka iyo dhacdada ay salka ku hayso.

- Advertisement -

Read more

Local News