Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Ankara ee dalka Turkiga u dirtay wafdi heer wasiir ah oo ka kooban Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Dekedaha, xilli ay labada dhinac sii xoojinayaan xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhaxeeya.
Safarka labada wasiir ayaa la xiriira qorshe ballaaran oo ku saabsan saxiixa dhismaha saldhig milatari oo dhanka badda ah, kaas oo la filayo in Turkigu ka hirgeliyo gudaha Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan ay ku lug leeyihiin dalal kale oo ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Jabuuti, kuwaas oo door ku leh hirgelinta iyo taageerada qorshahan cusub.
Goobta la qorsheeyay in laga dhiso saldhigga ayaa lagu tilmaamay mid xasaasi ah oo istiraatiiji ah, iyadoo la rumeysan yahay in uu door muhiim ah ka qaadan doono xakameynta khataraha argagixisada iyo burcad-badeedda ee ka jira xeebaha Soomaaliya.
Dhanka kale, dadaallada iskaashi ee amni ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo saraakiil ka socotay ciidanka gaarka ah ee booliska Turkiga (Özel Harekat) ay maanta soo gaareen magaalada Muqdisho.
Saraakiishan ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cabdullaahi Cismaan, iyagoo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray kor u qaadista tababarka iyo tayeynta ciidanka gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo Turkigu muddooyinkii dambe si joogto ah uga taageerayay dhinacyada tababarka iyo qalabeynta.
Dowladda Turkiga ayaa dhowaan dib u bilowday tababarka cutubyada Haramcad, kuwaas oo loo arko kuwa ugu tayada sarreeya ee ka tirsan booliska Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay istiraatiijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo amniga gudaha iyo difaaca dalka.

