Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qiratay in ay dhaqaale badan ku weysay xirnaanshaha muddada dheer ee xadka ay la wadaagto Soomaaliya, xilli uu socdo qorshe la doonayo in si buuxda dib loogu furo xadka muhiimka ah ee labada dal.
Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa taageeray qorshaha dib loogu furayo xadka, isaga oo tilmaamay in tallaabadaasi ay fure u noqon karto kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.
Aadan Barre ayaa sheegay in inkastoo xadka si rasmi ah u xirnaa tan iyo sanadkii 2011, haddana dhaq-dhaqaaq ganacsi iyo isu-socodka dadka uu si aan sharci ahayn u socday, taas oo muujinaysa in xayiraaddu aysan si buuxda u shaqeyn.
“Waa inaan go’aan ka gaarnaa sababta xadka u xiran yahay, iyadoo xaqiiqdu tahay inuusan si buuxda u xirneyn. Dad iyo badeecooyin badan ayaa maalin walba iskaga gudba xadka, dowladda ayaana heli kartay dakhli badan,” ayuu yiri wasiirka.
Hadalkan ayaa iftiiminaya khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay xirnaanshaha xadka, maadaama ganacsiyada aan la diiwaan-gelin uu si toos ah u saameeyay dakhliga dowladda Kenya.
Dhanka kale, Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa dhowaan booqasho ku tegay gobolka Mandera County, halkaas oo uu ka shaaciyay qorshe la doonayo in dib loogu furo marinno xuduudeed oo muhiim ah.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in furitaanka xuduudaha Mandera iyo Garissa ay dib u soo nooleyn doonaan ganacsiga xadka isaga gudba, isla markaana ay abuuri doonaan fursado dhaqaale oo cusub.
Waxa uu sidoo kale xusay in ganacsatada labada dhinac ay heli doonaan xorriyad ay si rasmi ah ugu shaqeeyaan, taas oo kor u qaadi karta kalsoonida iyo isdhexgalka bulshada xuduudaha ku nool.
Xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo xiray sanadkii 2011, kadib markii ay sare u kaceen walaacyada amni ee la xiriira weerarrada kooxda Al-Shabaab.
Inkasta oo sanadkii 2023 la bilaabay dadaallo lagu doonayay in si tartiib tartiib ah dib loogu furo xadka, haddana qorshahaasi wuu hakaday, kadib markii ay soo kordheen falal amni darro ah oo cusub.
Si kastaba, tallaabooyin dhowaan ay qaaday dowladda Kenya, sida oggolaanshaha dhoofinta qaadka loo yaqaan miraa, ayaa loo arkaa kuwo hordhac u ah dib u furista buuxda ee xadka, taas oo la filayo inay si weyn u saameyn doonto dhaqaalaha iyo xiriirka labada dal.

