Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta tallaabadii ugu dambeysay u qaaday doorashada Koonfur Galbee, isaga oo qalabka doorashada u diray deegaannada maamulkaas.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaca ka qaaday in 10 bishan oo ku beegan Axadda soo socoto ay doorashooyin qof iyo cod ah ka bilaaban doonaan Koonfur Galbeed, isla markaana lagu soo dooranayo goleyaasha degmooyinka ee maamulkaasi.
Cabdikariin ayaa xusay in 13 degmo oo ka kala tirsan Shabeellaha Hoose,Baay iyo Bakool loo qorsheeyay inay ka dhacdaan doorashooyinka, si ay dadweynaha uga qayb-galaan una soo doortaan goleyaashooda deegaanka.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dhammaan ay diyaariyeen goobaha doorashooyinka iyo shaqaalihii ka shaqeyn lahaa, si loo guda galo.
“Waxaan asteynay goobihii waxaan diyaarinay shaqaalihii oo tababaro siinay waxaan isku daba ridnay dhammaan wixii loo baahnaa” ayuu yiri Cabdikariin.
Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in deegaannada Koonfur Galbeed ay iska diiwaangeliyaan illaa 400 oo kun, ayna diyaar u yihiin inay codeeyaan.
“Dad ka badan 400 oo kun oo diiwaangashan South West ayaa waxa ay rabaan inay qayb ka noqdaan doorashada soo socota,” ayuu sii raaciyay.
Koonfur Galbeed ayaa haatan ku jirta xilli xasaasi ah, waxaana socda lolan ku aadan doorashada madaxtooyada, iyada oo Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka tartanka ku metalayo guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.

