Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar, kuwaas oo sheegayay in la cayrinayo Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa si cad loogu beeniyay wararkaasi, iyadoo lagu tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana marin-habaabinaya dadweynaha.
Wasaaraddu waxay sheegtay in wararka noocan ah ay dhaawac u geysan karaan xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo lagu tilmaamay mid muhiim u ah labada dal.
Sidoo kale, wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqday in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu yahay mid taariikhi ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyo badan leh, isla markaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ugu baaqday warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah inay muujiyaan xirfad iyo mas’uuliyad dheeraad ah marka ay tabinayaan wararka la xiriira arrimaha dibadda.
Waxay sidoo kale ku adkaysay in wararka rasmiga ah laga helo ilo lagu kalsoon yahay, si looga fogaado faafinta xog khaldan oo keeni karta jahawareer iyo saameyn taban.
Ugu dambeyntiina, wasaaradda waxay ka digtay faafinta warar been-abuur ah oo lagu wiiqayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka Carabta, iyadoo xustay in tallaabooyin laga qaadi karo cid kasta oo ku kacda falalka noocaas ah.
Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan baabi’isay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay la gashay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.
Go’aankaas ayaa yimid kaddib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada Soomaaliya, iyadoo lagu sababeeyay falal lagu tilmaamay kuwo wax u dhimaya midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

