Washington (Caasimada Online) – Senator sare oo Mareykan ah ayaa maamulka Madaxweyne Donald Trump ugu baaqday in uusan joojin gargaarka cuntada iyo taageerada bani’aadannimo ee la siiyo Itoobiya, iyadoo ka digtay in malaayiin qof ay wajahayaan khatar daran haddii barnaamijyo muhiim ah ay dhammaadaan bisha June.
Jeanne Shaheen, oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka, ayaa warqad u dirtay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, iyadoo sheegtay in barnaamijyo horey ay u maalgelin jirtay hay’adda USAID, balse hadda hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ay qarka u saaran yihiin inay istaagaan.
“Lacagta iyo raashinka loo baahan yahay haddii aan la helin, waxaa la filayaa masiibo bani’aadannimo oo saameyn karta ilaa 3.1 milyan oo qof oo wajahaya cunno-yari daran, oo ay ku jiraan in ka badan hal milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Itoobiya,” ayay Shaheen ku tiri warqaddeeda.
Shaheen ayaa si gaar ah ugu baaqday Rubio inuu maalgelin degdeg ah u helo barnaamijka Joint Emergency Operation, oo loo yaqaan JEOP, kaas oo gargaar cunto gaarsiiya dadka ku barakacay Tigray iyo deegaanada kale ee ay cunno-yaridu ka jirto.
“Raashin iyo gargaar lacageed oo suuqa ku saleysan midna lama heli doono si loo daboolo baahiyaha daran ee dadka ugu nugul Itoobiya marka barnaamijka JEOP uu dhammaado xagaagan,” ayay qortay Shaheen.
Xilli halis ah
Senator-ka ayaa sheegtay in hakadka gargaarku uu ku soo beegmayo xilli aad u adag, gaar ahaan bilaha June, July, August iyo September, oo ah xilli roobaad iyo waqti ay cunno-yaridu ka sii darto.
“Go’itaanka gargaarka cuntada wuxuu ku soo beegmayaa xilliga abaarta cunto iyo roobabka, markaas oo tirada dadka cunno-yarida wajahaya ay laba jibbaarmi doonto, roobabka culusna ay si weyn u adkeyn doonaan in gargaar la gaarsiiyo dadka u baahan,” ayay tiri.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan ka hadlin waraaqaha ay xubnaha Congress-ka u diraan, balse afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in Mareykanku weli yahay deeq-bixiyaha laba geesoodka ah ee ugu weyn Itoobiya.
“Ma joojinayno gargaarka cuntada ee Itoobiya,” ayuu yiri afhayeenka, isagoo intaas ku daray in wasaaraddu sii wadi doonto taageerada naf-badbaadinta ah ee ay ka fuliso Itoobiya, iyadoo la kaashaneysa xafiiska Qaramada Midoobay ee isku dubaridka arrimaha bani’aadannimada, OCHA, iyo hay’ado kale.
Dagaalkii Tigray
Digniinta Shaheen ayaa timid iyadoo Itoobiya weli la daalaa-dhaceyso saameyntii dagaalkii ka billowday Tigray sanadkii 2020, kaas oo dhex maray dowladda dhexe iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF.
Dagaalkaas ayaa sababay dhimasho aad u badan iyo barakac ballaaran, halka malaayiin qof ay weli ku tiirsan yihiin gargaar bani’aadannimo. In ka badan hal milyan oo Itoobiyaan ah ayaa weli ku barakacsan gudaha dalka, lix sano kadib markii colaadda waqooyiga Itoobiya ay billaabatay.
Shaheen ayaa sidoo kale ku boorrisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay dib u xoojiso doorka Mareykanka ee hirgelinta heshiiskii joojinta colaadda ee lagu soo afjaray dagaalkii Tigray.
Waxay sheegtay in qodobbada muhiimka ah ee heshiiska ay ka mid ahaayeen ka bixitaanka ciidamada Eritrea iyo maleeshiyaadka Amhara ee Tigray, iyo in dowladda Itoobiya ay fududeyso soo laabashada dadka ka barakacay galbeedka Tigray.
“Waxaan si xushmad leh kaaga codsanayaa inaad JEOP siiso maalgelin loogu talagalay gargaar suuqa ku saleysan oo la gaarsiiyo dadka ku barakacay waqooyiga Itoobiya inta lagu jiro xilliga cunno-yarida, si looga hortago masiibo bani’aadannimo oo ka dhacda Tigray,” ayay Shaheen ku tiri Rubio.
Rubio ayaa bishii Maarso ee sanadkii hore sheegay in 83 boqolkiiba barnaamijyada USAID la jarayo, halka inta hartayna lagu wareejinayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, tallaabo mugdi gelisay mustaqbalka barnaamijyo badan oo gargaar ah oo Mareykanku ka maalgelin jiray dalal ay Itoobiya ku jirto.

