Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg-deg ah uga soo jawaabay cabasho maanta kasoo yeertay Sheekh Qaasim Yaasheyga oo ah 95 sano jir arraga la’, kaas oo laga burburiyay gurigiisa oo ku yaalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir.
Sheekha oo goor sii horreysay la hadlay Warbaahinta ayaa cabasho ka muujiyay Cagafta la geliyay gurigiisa, waxaana si deg-deg ah uga soo jawaabay madaxweynaha oo amar culus siiyay guddoomiye Muungaab.
Agaasimaha Warfaafinta Gobolka Banaadir, Xuseen Cabdulle oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in la xalliyay cabashadii Sheekh Yaasheyga oo ah Sheekh da’ah, sidoo kalena ah Imaam masjid oo caan ka ah degmada Shibis.
“Iyadoo la fulinayo amarka Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh ayaa la xaliyay cabashadii uu muujiyay Sheekh Yaasheyga oo kamid ahaa culimada caanka ah degmada Shibis ee Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Xuseen Cabdulle.
Intaas kadib waxaa mar kale soo hadlay Sheekh Yaasheyga oo u mahadceliyay madaxweynaha iyo maamulka gobolka Banaadir oo tixigeliyay cabashadiisa.
“Walaalkeygii Muungaaboow Khayrkaaga waa isoo gaaray waa iga farxiseen, fariintana waa arkay waxaa laygu yiri waa laguu cabiraa waxna malaaga rabo, waxaan ku faraxdiin Alle ha’idin siiyo,” ayuu isna ugu duceeyay Sheekha.
Arrintan ayaa dhalisay fal-celin, iyada oo madaxeynaha iyo duqa Muqdisho lgu boggaadiyay inay usoo jaween Sheekh Yaasheyga oo ah nin danyar ah oo hadane araga la’, kaas oo sheegay in uu haysan dhaqaale uu ku dhisay gurgiisa, maadaama loo sheegay in waddooyin loo bixinayo xaafadda uu dagan yahay.

