Qodobo horudhac ah oo ka soo baxay wada hadalladii Addis-Ababa iyo kuwo weli la isku mari la’ yahay (Warbixin)

Addis Ababa (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegay in wafdiga dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ay gaareen dhowr qoddob oo mihiim.

Ilo ku dhow halka uu shirka ka socdo oo la hadlay goordhow Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in dhowr qoddobo lagu heshiiyay balse labo qoddobo oo muhiim loo arkay ilaa hadda aan xal loo helin.

Maxay yihiin qoddobada ilaa hadda lagu heshiiyay?

Sida ay inoo sheegeen ilaha aan warkan ka soo xiganay qoddobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:

1- In dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsatay qaabkii lagu doortay Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa iyo maamulka Jubbland uu ka dhexeeyo seddaxda gobal ee kala ah: Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

2-In Maamulka Jubbland uu aqoonsan yahay dowladda isla markaana uu ku wareejin doono garoonka iyo dekedda Kismaayo

3- In maleeshiyaadka ku sugan seddaxdan gobal  la qalabeeyo laguna daro ciidamada dowladda dhexe.

Waxaa jirra qoddobo la isku maan dhaafsan yahay kuwaasoo ay ka mid yihiin:

1-In magac cusub loo sameeyo maamulka seddaxda gobal loo dhisay, lagana beddelo Jubaland.

2-Sida loo magacaabayo golaha wasiirada ee uu yeelanyo maamulka iyo doorka ay dowladda ku lee dahay.

Si kastaba, waxaa jirra warar sheegaya in xubnaha dowladda u matalaya shirka ay soo bandhigeen in ay inta badan xoogga ay iyaga yeeshaan magacaabista golaha wasiirada iyo dhammeestirka maamulka inta hadda ka dhimman.

Waxaa kaloo xubnaha dowladda ay soo jeediyeen in la badello maamulka Jubbland loona bedello maamulka Jubbooyinka iyo Gedo.

In laga guuro magaca Jubaland loona guuro maamulka Jubooyinka iyo Gedo.

Labadan qodob waxaa diidan wafdiga maamulka Jubaland, waxayna soo jeediyeen in magacaabista golaha wasiirada loo daayo madaxweynaha maamulka Sheekh Axmed Madoobe.Wuxuu kaloo wafdiga Jubaland diiday in magaca Jubaland laga guuro oo loo guuro maamulka Jubooyinka iyo Gedo.

Dhinacyada shiraya waxaa ku wehliya kulankooda diplomaasiyiin ka socda waddamada gobalka sida Kenya iyo Ethipoa, IGAD,Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, waxaa caawan kulan casho sharraf ah labada wafdi Hotelka Sharaton ee magaalada Addis-Ababa ugu sameeyay madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida ee Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, kulankaas waxaa sida uu sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ka dhex muuqday wajiyo cusub.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegaya in marka loo eego kulanka meesha ka socda in uu u egyahay in dowladda ay aqoonsatay maamulka Axmed Madoobe.

Ma cadda sida ay wax ku dhammaan doonaan, shirka ilaa berri waa uu sii socon doonaa balse inta badan caawa ayaa laga yabaa in la dhammeeyo qoddobada haray.

Caasimada Online

Xafiika Wararka Nairobi

Caasimada@live.com