25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Fadeexad ka dhalatay weerarkii lagu qaaday haweeneydii Swedish-ka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida ayaa saacado kadib waxay gudaha u galeen Xarunta Jaamacada Somalia, halkaasi oo aheyd meeshii ay kasoo baxday Haweeneydii Swedan u dhalatay ee la weeraray oo dhaawac fudud soo gaaray.

Haweeneydan ayaa la ogaaday in soo galisteeda Muqdisho aysan jirin cid ka tirsan Dowladda oo ka war heysay hadeyn ahaan laheyd waaxda socdaalka ama hay’addaha amniga, taasoo lagu ogaaday baaritaankii ciidamada nabadsugida sameeyeen.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Madaxa Shaqaalaha Shaqada ee Jaamacada Somalia C/laahi Maxamuud Maxamed, in ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay xarunta jaamacadda soo galeen isla markaana kaxeysteen Sedaxda Mas’uul ee ugu sareysay Jaamacadda.

swedWuxuu sheegay Cabdullaahi in la geeyay xarunta danbi baarista ee CID halkaasi oo mudo Shan saacadood ah ay u xernaayeen ciidamada Nabadsugida, wuxuuna intaa raaciyay in su’aallo laga weydiiyay waxa ay aheyd haweeneydan, cidda mas’uulka ka aheyd iyo ujeedada ay u socotay.

C/laahi Maxamuud Maxamed ayaa sheegay inay u sheegeen Hay’adda CID-da, inaysan iyagu Magaalada Muqdisho keenin haweeneydaan, sidoo kalana aysan iyagu masuul ka ahayn ammaankeeda, balse ay keeneen niman kaloo Soomaali ah, ayna ku soo xireen Jaamacadooda, kadib markii ay jecleysatay inay Siminaar ka bixiso muddo laba cisho ah.

Mas’uulkan ayaa sheegay in markii wax danbi ah lagu waayay Shan saacadood kadib lasii daayay.

Arintan ayaa muujineyso in Dowladda Somalia aysan waax war ah u haynin dadka ajaaniibta ah ee soo galaya gudaha dalka Somalia, gaar ahaan xarunta caasimada ee Muqdisho oo Dowladda xarunteedu tahay, waxayna fadeexad ku tahay hay’addaha socdaalka iyo kuwa amniga.

Horay ayaa Dowladda waxaa loogu eedeeyay inaysan waxba kala socon Ajaaniib kusoo qulquleysa magaalada Muqdisho isla markaana aysan ka war qabin howlaha ay ka wadaan Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Isha: Warfaafiye.com

- Advertisement -

Read more

Local News