Muqdisho (Caasimada Online) – Xilli ay jiraan culeyso dowlada Soomaaliya kaga imaanaya qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka sida Puntland Ahlu Sunna iyo waliba maamulka Axmed Madoobe, ayay Xukuumada Soomaaliya waxay mar kale ku celisay inaysan xabad wax ku dooneyn balse ay xal wax ku raadineyso.
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid” Ra’isul wasaaraha Umadda Soomaaliyeed , ayaa sheegay inuu ballan qaadayo in marnaba aysan dhici doonin xoog wax ku muquuniyaan, isaga oo sheegay in xabad wax lagu xaliyo ay ka wanaagsan tahay in la wada hadlo isagoo sheegay in siyaasada dowlada aysan qeyb ka aheyn dagaal in wax lagu raadiyo.
Wuxuu sheegay Wasiirka koowaad ee xukuumadda in marka uu dhaco khilaaf uusan aheyn in la dagaalamo oo xabad la isku qaato balse danta ay ku jirtaa in lawada fariisto oo si siyaasad ah loo xaliyo cabasho waliba uu qabo qofka doonaya in laga qeybgaliyo talada dalka
Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan aheyn mid Militari isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan cid waliba oo xal iyo wada hadal wax ku dooneyso isagoo sheegay in qof waliba oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay in laga qeyb galiyo Siyaasada dalka.
Ra’isul wasaare Saacid” ayaa sheegay inay iyaga mas’uuliyad ka saaran yahay hogaaminta dalka waxaana uu shaaciyay in hogaan wanaagsan ay ku hagayan bulshada , waxaana uu tilmaamay inay muhiim tahay in qof waliba uu ogaado inuu xalka dalka uu qeyb ka yahay isla-markaana uu xilgaar ah isi saaro.
Dhageyso Ra’iisul Wasaaraha
Halkaan ka dhageyso Ra’isul wasaare Saacid
Dhawaan Maamulka Puntland ayaa sheegay iny go’aan cad ka qaatay dowlada Soomaaliya kadib markii sida madaxda maamulkaasi ay sheegeen ay dowladu wax ka badashay Dastuurka dalka, Sidoo kale Mas’uuliyiin u hadlay maamulka Ahlu Sunna waljamaaca ayaa sheegay inay dowlada Soomaaliya kaga baxday hesshiis ay wada qaateen .
Dhanka kale waxaa jira Siyaaasiyiin qaswadayaal ah oo Mooshin ka dhan ah dowlada Somalia ka wada Kenya iyadoo arimahaasi oo dhan ay jiraan hadana dowlada Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku dadaalaysa inay is badal ku hogaamiso dalka .
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho