25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Laba qodob oo laga cabsi qabo in ay dartood u bur buraan wada hadallada DF iyo Axmed Madoobe (Faah-Faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wada hadalladii u dhaxeeyay dowladda Somalia iyo kooxda Axmed Madoobe ee ka socday Addis-Ababa, ayaa mar kale saaka dib u furmay, ayada oo xalay lagu kala tagay kadib dood dheer iyo dhowr qodob oo la isku dhaafi waayey.

Qodobada la isku hayo waa ilaa saddex qodob waxaase ugu weyn laba qodob, halka kan saddexaad oo ah qaabka loo xuliyo golaha wasiirada uusan ahayn mid sidaas usii dhib badan.

Labada qodob ee dhibka ka taagan yahay ayaa ah:-

1 – In magaca Jubaland la baa bi’iyo laguna beddelo magaca maamulka Jubbooyinka iyo Gedo

2 – Iyo in maamaulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo loo gacan geliyo dowladda Somalia.

Kooxda Axmed Madoobe waxa ay ku adkeysaneysaa inaysan marnaba beddeleyn magaca Jubaland, halka arrinta dekedda Kismaayo iyo garoonkana ay sheegeen inay diyaar u yihiin in dhaqaalaha kasoo xarooda dowladda ay qeybteeda ka siiyaan, balse aysan u wada gacan gelin karin maamulka.

Labada qodob ayaa ahaa shardiga ay dowladda horey u raacisay markii ay tanaasul sameysay shalay ayna aqbashay qodobka ah:-

In dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsatay qaabkii lagu doortay Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa iyo maamulka Jubbland uu ka dhexeeyo seddaxda gobal ee kala ah: Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, islamarkaana ay aqbashay jiritaankiisa.

Qodobada kale ee la isku raacay ee aanu muranka ka taagneyn ayaa waxaa ka mid ah qarameynta maleeshiyada Axmed Madoobe iyo dhammaan ciidanka kale ee jooga gobolka.

Labada qodob ee hadda sida aadka ah la isugu hayo, ayaa laga cabsi qabaa inay hormuud u noqdaan in wada hadallada ay bur buraan, waxaana sugeynaa waxa kasoo baxa oo aan idinla soo socod siin doono Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News