25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo arrin Farxad leh ka sameeyay Muqdisho iyo guul usoo hoyatay shacabka Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) -Dhismaha Dugsiga Dugsiga Farsamada iyo tababarka Soomaaliyeed, ayaa soconayay Muddo Seddex sano ah sida uu warbaahita u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada wadajir.Dhismaha Dugsigan waxaa iska kaashaday Dowlada Denmark iyo Midowga Yurub waxaana Maanta munasabad xaqriga looga jarayay ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , kaas oo maanta dugsigasi xariga ka jaray.

Xasan Shekh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladiisa ay ku faraxsan tahay dhismaha Dugsigaan cusub ee Degmada Wadajir laga sameeyay,isaga oo tilmaam ka bixiyay in dad badan oo Soomaali ah ay ka faa’iideesan doonaan tababarka.

Mohamet Salah Anadif, Wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ahna madaxa AMISOM ayaa halkaasi ka sheegay in AMISOM iyo Denmarka ay iska kaashadeen furitaanka dugsigaan dhalin badan oo Soomaaliyeedna ay ka faa’iideesan doonaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore waxay u sheegtay inay wax ka qaban doonto goobaha wax barashada dalka iyadoona shaaca ka qaaday inay horumarin ku sameyn doonto nidaamka waxbarasho ee dalka.

far 1far  2far 3
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
- Advertisement -

Read more

Local News