Muqdisho (Caasimada online) Wasaarada Duulimaadka hawada Soomaaliya ayaa maanta kulan ay la qaadatay Mas’uuliyiinta shirkadaha duulimaadka hawada Soomaaliya waxaaka soo baxay go’aano wax ku ool ah oo quseeya duulista hhawada Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta Boostada , Isgaariisnta iyo Gaadiidka ee xuuumada Soomaaliya Cabdulaahi Ciil Mooge Xirsi, ayaa shirkadaha uga warbixiyay guulihii is daba jooga ahaa ee wasaaradiisu ay gaartay iyo waliba Soocelinta (Somali AirSPace) iyadoona kulankooda wax yaabihii la isku soo hadal qaadayna ay qeyb ka ahaayeen xayiyaraadii caalamiga aheyd ee laga qaaday garoonka diyaaradaha aadan cadde , waxaana uu sheegay in taasi ay keentay dadajinta tayada garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Qodobadii kasoo kasoo baxay shirka ayaa ahaa sidan:
1- In Dhamaan shirkadaha diyaaraduhu ay wasaaradda keenaan muddo 7aad ah sharciga, ruqsadaha diyaaradaha iyo shahaadooyinka shaqaalaha la shaqeeya(Crew)ga si loo hubiyo inay yihiin dad aan danbi lahayn una qalma shaqada ay hayaan.
2- In luuqadda Soomaaliga ahi noqoto midda ugu mudan ee lagula hadlo rakaabka saaran diyaaradaha ka shaqeeya dalka Soomaaliya.
3- In shirkadaha diyaaraduhu ay ilaaliyaan waqtiyada bixitaanka iyo imaatanka rakaabkana ay siiyaan waqti sax ah oo ay ku xisaabtamaan.
4- In shirkadaha diyaaradahu aysan ku shaqaynsan diyaarad aan lahayn adeegyada Marawaxadaha, Musqulaha iyo inaan diyaaradaha la saari karin rakaab dheeri ah iyo culeys ka badan midka loogu tala galay.
Dowlada Soomaaliya , ayaa muujinaysan inay daneyneyso isla-markaana ay xooga saareyso la socodka iyo ka warqabka hawada Soomaaliya.
Dhawaan diyaaarad sida Madaxweynaha Soomaaliya aya cilad ay soo wajahday taas oo sababtay inay dib u dhac uu ku yimaad kulan uu ku aadi rabay Suudaanta Koonfureed inkastoo markii dambe laga badalay osl-markaana uu halkiisii kasi watay sarafkaas.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho