25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Beel miisaan culus ku leh Jubooyinka oo diiday wada hadallada Addis-Ababa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Denhag (Caasimada Online) – Xassan Maxéd Kutub oo ka mid ah aqoonyahanada beesha Gaaljecel, ahna xubin firfircoon oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Denhaag, ayaa ka warbixiyey shir magaalada Rijswijk ee waddanka Holland ay ku yeesheen waxgarad isugu jira aqoonyahanno, indheergarad, siyaasiyiin & xubno kala duwan oo ka soo jeeda Jaaliyadda beesha Gaaljecel oo ka mid ah beelaha leh deegaanka ugu badan ee Jubbooyinka.

Xassan Kutub oo saxaafadda u soo gudbiyey warsaxaafadeed ka soo baxay shirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in beesha Gaaljecel ay cambaareyneyso shirka 2 geesoodka ah ee dowladda Soomaaliya ay Addisababa kula gashay kooxda Raaskambooni ee uu hogaaminayo Axmed Madoobe, waxaana uu sheegay in dowladu ay qaaday waddadii burburka, mar haddiiba ay dooneyso in ay aqoonsato maamul ay shalay ka soo horjeeday, ayna wel taagan yihiin qaladaadkii ay kaga hortimid.

“Waxaa maanta shrir isugu yimid magaalada Rijswijk waxgaradka beesha Gaaljecel, waxaana shirkaasi diiradda lagu saaray marxaladihii ugu dambeeyey ee dalka, waxaana si gaar ah looga dooday shirka Addisababa ay ku yeesheen dowladda & Raaskambooni, waxaana u aragnaa in dowladdu ay ku fashilantay siyaasadda Jubbooyinka” ayuu yiri Kutub wuxuuna intaasi raaciyey;

“In dowladdu ay wadahadal la gasho dagaal ooge beeshiisu ay wasiiro iyo xildhibaano ku leedahay dowlada, xaq uma laha Xassan Shiikh, qabiil qaybtiisi horey u qaatay in gorgortan la gasho waxi ka soo baxo oo natiija ah wadahadalka Itoobiya beesha Gaaljecel ma aqoonsan doonto, beri ayeyna ka tahay”.

Caasimada Online 

Xafiiska Amsterdam

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News