25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

DFS oo canshuur soo rogtay maanta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Soomaaliya ayaa waxay maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay canshuur ka qaadeyso  shirkadaha isgaarsiinta dalka ,ka dib kulan maanta ka dhacay Muqdisho oo wada qaateen mas’uuliyiinta shirkadahaas iyo waliba Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliya C/llaahi Ciilmooge Xersi.

Kulanka  waxaa  looga hadlayay sidii lagu hormarin lahaa shirkadaha isgaarsiinta dalka ,iyadoona kulankaasi uu ahaa mid ay al-baada ay u xirnaayeen  ayaa markii uu soo dhamaaday kadib waxaa Saxaafadda u waramay C/laahi Ciil Mooge Xirsi Wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Ciil Mooge, wuxuu sheegay in maanta kadib shirkada  isgaarsiinta dalka laga qaadi doono lacago canshuur ah , waxaana uu carabka ku adkeeyay in laga gudbay nidaamkii iyo waliba xilligii KMG sida uu sheegay dowladuna ay tahay mid rasmi ah caalamkana aqoonsi buuxa ka heysata.

Muddii 20-ka sano aheyd horumarkii ay dalka ka hirgaliyeen shirkadaha isgaarsiinta dalka ayuu ugu hambalyeeyay isagoona mahad celin u jeediyay , waxaana uu markale intii uu qudbadaasi waday uu ku celiyay in haatan wixii ka dambeeyay ay dhamaatay nidaam la’aantioi lagana qaadi doono lacago canshuur ah .

Markii  labaad ayay  Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya waxay kulan layeelato Shirkadaha ka jira dalka,

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News