Warsaxaafadeed
Waxaan aamin sanahay Xisbi ahaan in shirkii ADDIS ABABA ee looga hadlaayay arimaha jubooyinka oo muddo dheer laysku qilaafsanaa uu fashil wayn ka soo raacay Dowladda Federalka Soomaaliya gaar ahaan guud ahaana shacabka soomaliyeed uu ku rajo waynaa in arimahaas laga gaaro xal lagu wada qanacsanyahay raalina ay kawada yihiin dhamaan Soomaalida degta Jubooyinka isla markaana la helo nidaam dowli ah oo la raaco sida waddanka looga hirgelin lahaa sistemka FEDERAALIKA ah ee dhabta ah ee ku dhisan cadaalad iyo sinaan.
Nasiib darro taa ma aysan dhicin, soomaali baa laga eexday oo qaar yar ayaa loo hiiliyay isla markaana lagu gaaray shirkaasi in lagu fulo dano gaar ah ee dhaqaaleed.
Heshiiskaan la gaaray wuxuu noqday saan colaadeed laga dhex abuuro shacabka soomaaliyeed dhexdiisa islamarkaana lagu kala fogeeyo soomaalida degta jubooyinka wadankana la geliyo marxalad gudcur ah oo aan la ogeen sida ay noqon doonto.
Heshiiska ADDIS ABABA waxuu soo ifbixiyay arimo badan ee siyaasadeed, bulshadeed iyo dhaqaaleed ee koox gooni ah wadatay iyadoo la hareer maray nidaamkii dowliga ahaa ee waddanka iyo shacabka loogu adeegi lahaa.
XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR wuxuu si adag u cambaaraynayaa heshiiskaan oo ah mid qaldan kana fog nidaamkii dowliga ahaa ee lagu heshiiyay Dastuurkana ku qoran ee Madaxtooyada si sharci darro ah u maroogsatay iyadoona xaq u lehayn.
Madaxwaynaha Hasan Sheekh wuxuu isticmaalay awood uusan xaq u lahayn wuxuuna ku xad gudbay Dastuurka iyo sharciyada u degsan Qaranka Soomaaliyeed taasina maaha mid la ogolaan karo.
Madaxwaynaha wuxuu ku xadgudbay mas’uuliyadda iyo howlaha Guddiga fulinta ee Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya laga sugaayay isla markaana uu ku tuntay sharuucda waddanka u degsan mana aha markii ugu horaysay.
XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR wuxuu si walaaltinimo iyo soomaalinimo u garab taagan yahay shacabka soomaaliyeed ee Jubooyinka degan oo laga hiiliyay islamarkaana wuxuu Xisbigu ku dhiiri gelinayaa soomaalida Jubooyinka iyo dhamaan Soomaalida u aragto xadgudubkaani foosha xun in aysan ogolaanin, heshiiska ADDIS ABABA waa mid sharci darro ka mas’uul noqon karo fowdo iyo qalaas iyo isku dhac hor leh ka dhaca Jubooyinka islamarkaana ku fafaa waddanka.
BAAQ :
Waxaan baaq u soo jeedinaynaa Golaha Shacabka (Baarlabaanka Federlka) oo ah Golaha sharci dejinta isla markaana mas’uul ka ah shacabka soomaaliyeed in heshiiska ADDIS ABABA la hor keeno Baarlabaanka si looga dooda sharci ahaan hadii uu heshiiska u qabsoomay sida sharciga waafaqsan yahay iyo hadii kale.
Waxaan ugu baaqayna xildhibaanada gobolada Jubada Dhexe, Gedo, Bay, Bakool, Shabeelada Dhexe, Banaadir, Shabelada Hoose, Hiiraan iyo Galgaduud iyo dhamaan aqoonyahanada ka soo jeeda goboladaasi in ay qaadaan tilaaba ugu horaysa in baarlabaanka la hor geeya Heshiiska ADDIS ABABA.
Isla markaana Xisbiga Dimoqratiga Banadir wuxuu tala ahaan u soo jeedinayaa xildhibaanada sharafta leh in laga dooda xad gudubka uu Madaxwaynha kula kacaya Guddiga Fulinta, Rai’iisul wasaarah Dowladda Federlka Soomaaliya iyo awooda Maxkamada.
Waa bilaahi towfiiq
Dr. Abuukar Nuur Xuseyn.
Gudoomiyaha
XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR