Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii dalka Itoobiya ay heshiiska ku soo gaareen DF Somalia iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa soo baxaayay mucaaradad weyn oo looga sp horjeedo heshiiskaas oo ay ugu horeyaan beesha Digil iyo Mirifle.
Afhayeen M/weynaha ahna la taliyaha dhinaca Saxaafad C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegayin DF Somalia heshiiska ay ku soo gaartay Addis Ababa Dowlada Somalia uusan eheyn kii ugu danbeeyay ee lagu xalinaayay Jubooyinka balse uu yahay bilaaw.
C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay in heshiiskaas uusan eheyn mid dhameystiran balse waxa uu cadeeyay in dhameestirkiisa uu ka dhici doono magaalada Muqdisho oo layskugu geeni doono dhamaan dadka dega deegaanadaas.
Hadalkaan ka soo yeeray Afhayeenka M/weynaha ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili beelaha Digil iyo Mirifle ay shegeen in ay ka baxeen DF Somalia maadaama ay sheegeen in dul ay leeyhiin lagu wareejiyay Axmed Madoobe oo ay iyaga ku yilmaameen in uu yahay Jabhad.
Ugu danbentii C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay in DF Somalia ay diyaar u tahay in ay wax kasta ku dhameeso nabadeyn iyo dib u heshiisiin isaga oo sheegay in cidkasta ay ku qancin doonaan wadahadal.
Source: Hadaf News Network