25.7 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

KASHIFAAD: Saacid oo saxixay warqad DF Somalia ay ku taagertay qorshe uu Maraykanka ka damacsan yahay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Warar la isku haleen karo oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay saxiixday warqad ay ku qoran yihiin 32-waddan, kuwaasoo Maraykanka ku taageeray in uu weeraro dowladda madaxweyne Bishaar Al-Asad.

Warqadan waxaa u saxiixay DF Somalia ra’iisal wasaare Cabdifaarax Saacid Shirdoon, kaasoo dhawaan booqday dalka Sucuudiga, halkaas ayuuna ku saxiixay.

Sida illaha xog-ogaalka ah ee aan warkan ka soo xignay ay noo xaqiijiyeen, ra’iisal wasaaraha wax yaabaha uu tagay dalka Sucuudiga waxaa ugu horeysay in uu soo saxiixo, taageerada loo raadinaayo madaxweyne Obama, kaasoo hadda u muuqda in uu taageero u waayay duulaanka ka dhanka ah xukuumada Bishaar Al-Asad,oo lagu eedeeyay in ay isticmaashay hubka kiimikada.

Si kastaba, tallaabada dowladda Soomaaliya ay ku taageertay madaxweyne Obama, waxaa ka mahadceliyay safaaradda Maraykanka ee Nairobi, waxaana war-qoraal ah oo ka soo baxay caawa safaaradda lagu soo dhaweeyay taageerada ka yimid 32-wadan ee Soomaaliya ku jirto.

Ma cadda in go’aankan ay u dhan yihiin hey’addaha dowladda sida baarlamaanka, waxaana warqadan saxiixay wasiirka koobaad ee xukuumadda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News