Baladweyne (Caasimada online) Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi maanta ay gaareen ciidamo ka tirsan Booliska AMISOM kuwaas oo la sheegay inay tababar u sameyn doonaan ciidamo boolis ah oo ka tirsa dowlada Federaalka Soomaaliy.
Ciidamada Booliska ah ee AMISOM ka tirsan ee maanta Baladweyne gaaray ayaa lasheegay inay ka kala socaan wadamada Nigeria, iyo Sierra leone, kuwaas oo sida la tilmaamay u kuur galaya xaaladda gobolka , sidoo kalana tababar u fidinaya ciidamo boolis Soomaali ah oo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Isxaaq Cali Cabdule oo saxaafada kula hadlay gudaha Saldhiga magalaalada Baladweyne ayaa sheegay in ciidamada ay indho idheynayaan xalada guud ee magaalada isla-markaan ay tababar u fidin doonaan ciidamo booli ah oo loo sii diyaariyay .
Wuxuu sheegay in muddo todbaadyo ah inayku sugnaan doonaan magaalada ,isla-markaasina ay aad usoo dhaweynayaan howsha tababarka ah e ah kafulinayaan gobolka taas oo uu sheegay in ujeedka looga golleeyahay Tababarka inuu yahay sidii lagu helo lahaa ciidamo boolis Soomaaliyeed ah oo tayo leh.
Ciidamada Maanta Hiiraan gaar ahaan Baladweyne gaaray ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyay magaalada waxaana Saraakiisha ciidamada dowlada gobolkaas ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin tilaabada ciidamada AMISOM ay ka wadaan gobolka Hiiraan .
Xilliyada qaar magaalada Baladweyne waxaan ka dhacay falal liddi ku ah Amniga inkastoo dhowr jeer ay saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay shaaciyeen inay wax ka qaban doonaan xalka amni ee magaalada.
Caasimada online
Xafiiska Baladweyne