DHAGEYSO: Beesha Ceyr oo dhaaratay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dilal kala duwan oo ka dhacay qaybo kamid ah Gobolka Galguduud gaar ahaan dhulka ay dagaan beesha Ceyr, ayaa sabab u noqday in uu siyaado wal walka iyo cabsida laga qabo in aano qabiil ay timaado.

Dilkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolka, gaar ahaan kii ugu xanuunka badna aaya aahaa kii ka dhacay matabaan waxaana arrintaasi ilaa maalintii uu dhacay ila ahada fadhiyo kala duwan ka lahaa mamaulka Gobolka, Ugaaska iyo qaybaha dhaqanka oo ay kamid yihiin nabadoonadu , waxaana la isla qaatay in gacanta lagu soo dhigo cidkasta oo kulugyeelata dilalkaasi lana horkeno sharciga.
Kullanka ayaa waxa ay beesha Ceyr ku dhaaratay inay iska qaban doonta dadka dilalka ka wada beesha dhexdeeda.

Halkaan Hoose waxaad ka akhrisataa qoraal ka soo baxay Jaaliyada Besha Cayr ee ku nool daafaha caalamka.
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Dalalka mid ah qaarada yurub ayaa, waxaa ay baaq u dirayan waxgaradka Gobolada Dhexe gaar ahaana Gobolka Galgauduud, halkaas oo baryihii ugu danbayay ka jirtay kala aragti duwaansho u dhaxaysa Maamulka Dowladda Soomaaliya dhawaan u magacowday iyo Maamulka Ahlusuna oo ayagu horay gacanta ugu haayay Gobolka.?Baaqaan oo ay soo saareen kuna saxiixanyiiin gudi ay ku midaysanyihiin Jaaliyadaha Gobolada dhexe ee ku kala nool 6-Wadan oo ka tirsan Qaarada yurub , Waxaana Baaqaan jeedkisu yahay joojinta khilaafka iyo kala aragti duwanshiyaha soo kala dhexgalay Siyaasiyinta Gobolada dhexe waxa uuna u qorna sidaan.
 Ujeedo BaaqAnaga oo ah qurba joogta Soomaliyeed ee ku nool 6-wadan oo ka tirsan Qaarada Yurub kuwaas oo kale ah Belgium, Germny, Nederland, Sweden, Finland iyo Norwey, kana soo jeeda Gobolladda Dhexe ee Soomaaliya ( gaar ahaan deegaannadda Xarardhere, Dhusamareeb, Guriceel iyo Matabaan) ayaan waxaan halkaan baaq guud uga dirayaan Dadka isku haya Siyaasadda ee ka soo jeeda, kuna nool Degmooyinka aan kor ku soo xusnay. Jaalliyaduhu waxay ka digayaan in uu sii balaarto ama sii weynaado is fahamwaaga isla markaana uu gaaro Meel aan wax laga qaban karin ama aan la xalin karin.

Hadaba si taas looga hortago waxaan si gooni ah uga codsanaynaa Ugaaska, Aqoonyahanada, Nabadoonada, Cuqaasha, Siyaasiyiinta, Dumarka,Dhalinyarada iyo guud ahaan Bulshada qaybaheeda kala duwan in ay u istaagaan sidii looga gudbi lahaa khilafka keeni kara Gacan kahadalk, waxeynu si adag u codsaneynaa in wax walba oo jira loogu Xaliyo miiska dushiisa iyo wadahadal.

Waxaan Codsanaynaa in si looga gudbo Arimaha taagan in la Magacaabo guddi Farsamo iskugu jira qaybaha kala duwan ee Ixtiraamka ku leh Bulshada Dhexdeeda sida Nabadoono, siyaasiyiin, Aqoonyahano, iyo saraakiil Mamaul, kuwaas oo ku xeeldheer sida Xalinta khilaafaadka iyo Arimaha Bulshada isla markaana u dhexeeya Dadka siyaasad-ahaan iska soo horjeed.

Ujeedkeenu Maahan in aan cid gooni u Tageerayno ama Diidanahay,laakin waxa na dhibaysa oo aan ka Damqanaynaa in aan Maqalno hadalada Xanafta leh ee sheegaya in la is khilaafsanyahay taasi oo nagu abuuraysa Niyad jab iyo kalsooni daro.

Hadaba waxaan idinka codsanaynaa in Qolo kasta oo wax Tabanysa ay Timaado Miiska wadahadalka si wax walba loogu dhameeyo wadahadal.
Waxaan Codsaneynaa In loo daneeyo Dadka Taagta iyo tabarta Daran , Waxaana Maanta lajooga Xiligii si wada jir ah looga shaqeyn lahaa Hormarka Maamul Wanaaga iyo Samata bixinta Bulshada.

Hadaf keeno waa Isku duubni, wadajir iyo gacmaha oo la is qabsado Si loola tartamo Gobolada kale ee Dalka.
Ugu danbayn waxaan Rajaynaynaa in aad qbali doontaan Baaqeena isla markaana Dhago Nugul u dhigi doontaan.
Waxaan Allah ka baryeynaa in uu Heshiis, Islaax iyo Hormar na gaarsiiyo Anaga iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com